Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Maaliyadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa maanta soo bandhigtay hindise sharciyadeed ku saabsan sida dakhliga loo arruuriyo, loona maamulo.
Ujeeddada ay u soo bandhigtay Wasaaraddu ayaa ahayd baraarujin iyo wacyigelin ay ugu talagashay bulshada gaar ahaan ganacsatada.
Madasha Wasaaraddu ku soo bandhigeysay sharciga dakhli arruurinta ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, ganacsato, waxgarad iyo qaybaha kale.ee bulshada ku nool caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar.
Ugu horeeyn waxaa goobta ka hadlay qaar ka mida ganacsataddii ka soo qayb gashay iyo duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali waxayna soo dhoweeyeen. hidise sharciyeedka Wasaaradda Maailyadda Hirshabeelle ay soo bandhigtay.
Agaasimaha dakhliyada Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle Abuukar Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in marxalado kala duwan.uu soo maray hindise sharciyadeedkan.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Muumin Tuure Cabdullaahi aya xusay muhiimadda uu sharcigaan u leeyahay bulshada .