Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kusoo xirtay tababar loogu talagalay in lagu horumariyo aqoonta iyo tayada 100 kamid ah shaqaalaha dowladda,gaar ahaan dhinaca Amniga internetka (Cyber security).
Tababarkaan ayaa diiradda saaraya in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqalaha dowlada si looga hortago caqabadaha iyo dambiyada ka dhaca khadka tooska ah ee Internetka.
Wajiga koowaad ee tababarka ayaa lagu bilaabay 30 ka mid ah shaqaalaha la qorsheeyay inay ka faaโiideystaan mashruucan, kuwaas oo ka kala socday in ka badan 15 hayโadood oo dowladda ah.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa diyaarisay sharciyada ku saabsan Amniga internetka ,yadoo gabo-gabo uu marayo diyaarinta istiraatiijiyadda dhameystirka ee loogu talagalay barnaamijkaan.