Muqdisho (SONNA): Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dib-u-dhiska iyo guryaynta XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS ayaa waxa lagu qaabeyn doonaa biyo-mareennada magaalada Baydhabo, iyadoo lagu dhisi doonaa awoodda aqooneed ee Ijineerada Wasaaradda iyo kuwa dawlad goboleedyada si loo helo dhismoyaal tayo leh.
Ugu dambayn barnaamijkan oo socon doona muddo 15-bilood ah ayaa xoogga lagu saari doonaa sidii qiimayn iyo qaabayn loogu sameyn lahaa biyo-mareennada magaalada.