Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda ganacsiga oo soo gabangabaysay wadatashi ay la yeelatay dowlad goboleedyada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda ganacsiga oo soo gabangabaysay wadatashi ay la yeelatay dowlad goboleedyada
GudahaWararka

Wasaaradda ganacsiga oo soo gabangabaysay wadatashi ay la yeelatay dowlad goboleedyada

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 20, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo gunaanaday shir wadatashi Qaran oo muhiim u ah ganacsiga dalka kaasoo dhexeeyay Wasiirka Ganacsiga XFS iyo Wasiiradda ganacsiga Dowlad-goboleedyada, Shirkan oo muddo laba maalmood ah kasocday Muqdisho diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa nidaamka sharciyeed ee diiwaangelinta iyo shatiga ganacsiga.

Waxaana shirka kasoo qeyb galay Wasiirrada Ganacsiga ee dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland.

Intii uu socday shirku, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo dhisi lahaa hannaan sharci oo mideysan, kaas oo meesha ka saaraya jahawareerka ka dhashay kala-duwanaanta sharciyada dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Waxaa sidoo kale laga hadlay dhibaatooyinka ay ganacsatada la kulmaan, sida shuruucda kala duwan ee is-daba-yaaca ah, shatiyada fara badan ee laga qaado, iyo lacagaha aan nidaamka lahayn ee mararka qaar ku khasba ganacsatada inay bixiyaan si ay u helaan rukhsado ganacsi.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in la gaaro hal sharci qaran oo dhammaan dalka laga hirgeliyo, taasoo wax ka qaban doonta is-buurashada hay’adaha kala duwan ee bixiya shatiyada.

Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay ayaa ah in la hirgeliyo nidaam casri ah oo dijitaal ah (automatic system) oo si toos ah looga heli karo diiwaangelinta iyo shatiga ganacsiga dhammaan gobollada dalka.

Nidaamkan wuxuu meesha ka saaraya baahida uu ganacsaduhu u qabo inuu safar dheer ku yimaado Muqdisho si uu u helo laysanka ganacsiga.

Tani waxay si weyn u fududeyn doontaa howlaha ganacsatada, waxayna yarayn doontaa kharashaadka iyo waqti lumiska.

Waxaa kaloo shirka lagu muujiyay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan wadashaqeynta farsamo iyo siyaasadeed, si loo dhiso nidaam ganacsi oo hufan, kalsooni ku dhisan, loogana hortago wax isdaba-marinta, musuqmaasuqa iyo caqabadaha kale ee hor taagan horumarka dhaqaalaha dalka.

Shirka wuxuu horseeday faham iyo go’aan mideysan oo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa ansixinta hindisaha xeerka cusub ee diiwaangelinta iyo rukhsad-siinta ganacsiga, iyadoo qorshuhu yahay in xeerkaasi la horgeeyo Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Federaalka si uu u noqdo sharci rasmi ah oo dalka ka dhaqan gala.

Mid ka mid ah guulaha ugu waa weyn ee laga gaaray shirkan ayaa ah heshiis rasmi ah oo dhex maray Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka iyo wasiirrada ganacsiga ee dowlad-goboleedyada, kuwaas oo si buuxda uga heshiiyay in laga fogaado khilaafka siyaasadeed iyo is-maandhaafka maamul ee muddooyinkii dambe caqabad ku ahaa horumarinta ganacsiga dalka. Wasiir Maxamuud Aadan Geesood ayaa caddeeyay in wadajirka iyo wadashaqeynta ay tahay furaha lagu gaari karo kobac dhaqaale iyo horumar waara. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yiri:

“Wasiirrada Ganacsiga dowlad-goboleedyada waxaan ku heshiinay in laga fogaado khilaafka oo laga wada shaqeeyo wixii dalka waxtar u leh, maadaama loo adeegayo dadka Soomaaliyeed.”

Dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay shirka waxay muujiyeen in loo baahan yahay in ganacsatada Soomaaliyeed laga dulqaado culeysyada ay wajahayaan, lana siiyo jawi ganacsi oo hufan, xasilloon, una sahlaya inay horumariyaan ganacsigooda iyagoo aan la kulmin wax carqalado sharci ah ama maamul oo aysan u baahnayn.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal guuleystay ka fuliyay Shabeellada hoose

Marka-(SONNA)-Howlgal lagu bartilmaameedsaday xubno Khawaarij ah ayaa ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka October waxay ka sameeyeen tuulooyinka kala ah Malable,…

GudahaWararka
September 4, 2025

Warbixin koobaan oo ku sabsan Degmada Afgooye+Sawirro

Muqdisho:-SONNA-Degmada Afgooye waxa ay 30-km dhinaca Waqooyiga Galbeed kaga beegan tahay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waana mid kamid ah…

GudahaWararka
February 16, 2023

Maraykanka oo 5 milyan oo dollar dul dhigay afhayeenka khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Maraykanka ayaa shan milyan oo dollar u ballan-qaadday cidii keenta xog sahlaysa dilka ama soo qabashada afhayeenka khawaarijta Al-shabaab,…

GudahaWararka
March 1, 2023

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo Soo Dhaweeyay Wakiilka Cusub ee Midowga Afrika

Muqdisho(SONNA);-Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, aayaa xafiiskiisa ku qaabilay…

GudahaWararka
July 28, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023