Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    February 1, 2026
    Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo la soo gebagebeeyay
    February 1, 2026
    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay Madaxda Ururka FESTUii
    February 1, 2026
    Hay’adda SoDMA oo qabatay shirka ka jawaabista deg degga ee Abaaraha
    February 1, 2026
    DF waxay mas’uuliyad ka saaran tahay amniga iyo bedqabka muwaadiniinta
    February 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda ganacsiga oo furtay Bangiga dhiirrigelinta dhoofinta wax-soosaarka dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda ganacsiga oo furtay Bangiga dhiirrigelinta dhoofinta wax-soosaarka dalka
GudahaWararka

Wasaaradda ganacsiga oo furtay Bangiga dhiirrigelinta dhoofinta wax-soosaarka dalka

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: June 14, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa maanta si rasmi ah u furay Bandhigga Dhiirrigelinta Dhoofinta Wax-soosaarka Dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, Kaasoo ay kasoo qaybgaleen ganacsato heer qaran iyo heer gobol ah, warshado yaryar iyo ururada wax-soo-saarka, iyo qeybaha kale ee daneeyeyaasha dhaqaalaha gudaha.

Bandhiggan waxaa lagu soo bandhigay noocyo kala duwan oo badeecooyin ah oo ka tarjumaya hodantinimada kheyraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku mannaystay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ka mid ahaa wax-soosaarka la soo bandhigay: malab tayo sare leh, kalluun iyo cuntooyinka badda (seafood), qaxwo Soomaaliyeed, luubaan, cabitaanno dabiici ah (fresh juices), agabyo herbal ah oo dabiici ah oo aan kiimiko lahayn, iyo badeecooyin laga farsameeyay wax-soosaarka beeraha iyo xoolaha dalka.

Wasiir Geesood ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka goโ€™an tahay in ay garab istaagto ganacsatada Soomaaliyeed, si ay u helaan suuqyo caalami ah oo ay badeecooyinkooda ku gaarsiiyaan.

Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ganacsatadu u hoggaansamaan nidaamka dowladda, gaar ahaan hayโ€™adaha tayodhowrka, si badeecooyinka loo dhoofinayo ay u helaan shahaadooyin aqbalaad caalami ah.

Agaasimaha Hayโ€™adda Tayodhowrka Soomaaliyeed Xaawo Axmed Xasan ayaa sheegtay Hayโ€™addu diyaar u tahay in ay si dhow u la shaqeyso ganacsatada, warshadaha, iyo daneeyeyaasha kale ee ku hawlan dhoofinta, iyadoo la hubinayo in badeecooyinka laga dhoofinayo Soomaaliya ay noqdaan kuwo sumcad u yeela magaca dalka iyo dadkiisa.

Bandhiggan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha, kobcinta dhaqaalaha dalka, iyo gaarsiinta badeecooyinka Soomaaliyeed suuqyada caalamiga ah iyadoo la raacayo heerarka tayada iyo hufnaanta ganacsi ee caalamiga ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka…

February 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Erdogan oo shaaca ka qaaday qorsho ciidamo loogu dirayo Libya

Madaxweynaha turkiga Recep Tayyip Erdo Erdoganan ayaa ku dhawaaqay in uu ciidamo iyo taageero kale oo ย ย militari u dirayo dowlada…

CaalamkaWararka
December 26, 2019

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir oo tababar Aqoon korosi ah u furay qaar kamid ah Shaqaalaha gobolka

Muqdisho(SONNA);-Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa daah-furay Tababar Aqoon kororsi oo sare loogu qaadaayo…

GudahaWararka
January 13, 2025

Raโ€™iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hayโ€™adda NISA iyo Taliyihii Nabad Sugidda garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaya tallaabadii muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan…

GudahaWararka
July 23, 2021

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Isbitaalka Digfeer ku booqday xubno ka tirsan…

GudahaWararka
December 21, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023