SONNA (MUQDISHO)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta furay kulan socon doona muddo afar maalmood ah oo loogga hadlaayo mashaariicda horumarinta iyo dib-u-habaynta ganacsiga ee Bangiga Aduunku uu sanadaha soo socda ka taageeri doono dawladda Soomaaliya.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen madax ka socotay Bangiga Aduunka, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay masโuuliyiin ka socday Wasaaradda Ganacsiga, Xafiiska Raโiisal Wasaaraha iyo Hayโadda Istaatistikada Qaranka.