warbixin ka soo saartay wasaaradda gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in mareykanka uu iskaashi istiraatijiyadeed oo dhinacyo badan uu la leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo dagaal kula jira kooxaha Khawaarijta ee ku haray deegaanno kooban oo ka mid ah dalka.
Qoraalkaan ayaa sidoo kale loogu mahadceliyay maamulka Marykanka oo weli ku howlan bixinta taageerada biniโaadanimo ee loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka ah.
Maalgalinta Dowladda Mareykanku ku sameyneyso dhismaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab waxay abuurtay ciidan xoog leh oo horseed u noqday howlgalada ciidanka Xoogga ee ka dhanka ah kooxaha khawaarijta.
Qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhinaca kale lagu sheegay in shaqada laga joojiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Danab oo la tilmaamay in ay leexsadeen qeybo kamid ah raashinkii loogu talagalay ciidankaasi,iyadoo la eegayo xaqiijinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta saadka ciidanka.
Dowlaada Soomaaliya oo la tashi dhow la sameysay Mareykanka waxay qaadi doontaa masโuuliyadda bixinta raashina Danab,waxaana ay hadda si dhow ula shaqeyneysaa Dowladda Mareykanka si ay ula wareegto masโuuliyadda taakuleynta ciidanka Danab.
Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan xoogga saareysa la wareegidda amniga iyo taakuleynta ciidamadeeda.