Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: December 6, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka uga qaadey Soomaaliya.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ku soo laabtey kadib markii uu dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga soo qeybgaley shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28).

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka isbeddelka cimilada ee COP28 ayaa soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada, gaar ahaan fatahaadaha iyo roobabka El Nino.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan guusha qaadista cunaqabataynta hubka, waxaana uu sheegay in wax badani ka tari doonto ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga dalka.

5- Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, iyo madax kale ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dalka looga qaaday cunaqabteynta hubka

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay culimada Soomaaliyeed ee magaalada Kismaayo, ayaa kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin la dagaallanka iyo fikirka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad wanaagga.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda binni’aadamnimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, waxa uu ku tagey degmada Af Madow ee gobolka Jubbada Hoose.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay dood furan oo ka dhacdey magaalada Kismaayo ayaa ka hadley waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda Dan Qaran iyo halka la hiigsanayo.
9- Shacabka magaalada Muqdisho ayaa sameeyay banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayo guusha qaranka ee qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cali Maxamed Cumar Balcad ayaa la kulmay guddiga gaarka ah ee howlgalka Nabadaynta Qaramadda Midoobey (C34) oo Muqdisho u yimid si ay ula kulmaan Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo ATMIS.

11- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa kormeeray isbadalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo hay’addu ka nadiifisay Khawaarijta dilalka iyo dhaca ku heysay ganacsatada Soomaaliyeed.

12- Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa dalka Sacuudiga wadahadal kula yeeshay mas’uuliyiinta dalkaasi.

14- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada dhoofisa kalluunka.

15- Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u Eegsita iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga la Socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ka yeeshay dardar galinya hawlaha dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Khawaarij tiradooda gaareysa 60 ku dilay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

17- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa laba doonyood waxa ay kala wareegtay Hey’adda Zamzam Foundation iyo Bankiga IBS ee Soomaaliya.

18- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka oo deeq raashin ah kala wareegtay Hay’adda Bisha Cas Turkiga.

19- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SODMA ayaa deeq gargaar ah gaarsiiyay qoysas ku sugan Lafoole oo ay soo barakiciyeen daadadka ka jira dalka.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka qayb galay shirka Axdiga ka hortagga musiibooyinka kaas oo daba socday Shirka Isbedelka Cimillada ee ka socda dalka Isutagga Imaaradka Carabta.

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

22- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka ayaa hawlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa burburiyay xarunta diiwaan gelinta Khawaarijta iyo goob ay lacago baad ah uga qaadi jireen oo ku yaallay gobolka Bay.

24- Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay magaalada Buurdhuubo ayaa howlo samata-bixin ah u sameeyay shacabka ay saameeyeen fatahaaduhu.

25- Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaano ka tirsan gobolka Baay ka sameeyey howgallo ka dhan ah Khawaarijta.

26- Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidanka deegaanka ayaa hawgalo lagu baacsanayo Khawaarijta ka fuliyay bariga Galgaduud.

=====DHAMMAAD========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud QM u qaabilsan Soomaliya.

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka…

GudahaWararka
December 21, 2022

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya heshiis deyn cafin ah la saxiixday sanduuqa lacagta Carabta

Kuwait City (SONNA): Xilli uu magaalada Kuwait uu ka soconayo Shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta ayaa Wasiirka…

GudahaWararka
April 9, 2025

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyey geerida ku timid AUN Xil. Axmed Dhimbil Rooble “Casoowe”

Muqdisho (SONNA)-Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, asxaabka iyo Ummadda…

Wararka
March 2, 2021

Wasiirka arrimaha dibadda oo u safray New York

Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha dibadda iyo isaashiga caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah u…

GudahaWararka
June 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023