Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada oo war ka soo saartay falkii maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada oo war ka soo saartay falkii maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde
GudahaWararka

Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada oo war ka soo saartay falkii maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 6, 2024
3 Min Read
Share
Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (SONNA):- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ka soo saartay dhacdadii maanta ka dhacday garoonka Aadan Cadde, taas oo sababtay in uu hakad ku yimaadaan diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka.

Warsaxafadeedka oo ka kooban hal bogga ayaa u dhignaa sida tan, “Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 06/03/2024 ka xuntahay falkii ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cabdulle kaas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay kala kulmeen dib udhac ku yimid duulimaadyadii Gudaha ee sida maalinlaha ahaa uga duuli jiray Garoonka.

Wasaaraddu, Dhammaadka Sanadkii 2022 waxay heshiis la gashay shirkadaha Diyaaradaha kaas oo ku saabsanaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Shirkadaha Diyaaradaha si loo saxo khaladaadka ka dhaca shirkadaha Diyaaradaha kuwaas oo saameyn ku yeesha Muwaadiniinta sida maalinlaha ah uga safra Garoonka Aadan Cadde, Khaladaadkaas waxaa ka mid ah;

Diyaaradaha oo ka dib dhaca wakhtiga duullimaadka, qeyb kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha oo aan haysan Diyaarado ay ku howl-galaan, Shirkadaha oo Shacabka u jara Tigidho ka badan tirada ay diyaaraddu qaaddo iyo iyaga oo aan dhowrin xuquuqda Muwaadiniinta xilliyada uu baaqdo duullimaadka. Sidoo kale in aysan ku dhaqmin jadwalka maalin-laha ee duullimaad-yada aada Goballada iyadoo dhammaan shacabka loo jaro tigidho isku wakhti ah, isla markaasna dhammaan Rakaabka Safraya ay ku soo xareeyan Garoonka salaada Subax ka dib.

Haddaba si loo saxo dhammaan khaladaadka aan kor kusoo xusnay Wasaaraddu waxay samaysay System casri ah, System-kaas oo faraya shirkadaha Diyaaradaha:-

  1. In System-ka ay kusoo gudbiyaan, nooca Diyaaradda ay isticmaalayaan si loo xaqiijiyo in shirkaddu ay haysato Diyaarad badqabta oo ay Rakaabka ku qaadi karto, sidoo kalana loo xaddido tirada Tikidhada ay diyaarad waliba qaadi karto.
  2. In ay system-ka kusoo gudbiyaan Xogta Rakaab-ka ay qaadayaan, si ay hay’adaha amnigu u hubiyaan.

Haddaba; Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u cadeyneynaa in dhacdadii maanta ay ka dhalatay kaddib markii ay shirkadaha Diyaaraduhu ay u hoggaansami waayeen awaamirta Wasaaradda, kana hor yimaadeen fulinta system-ka loo dajiyay iyaga oo diidaya in ay saxaan khaladaadka aan kor kusoo sheegnay.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay u xaqiijineysaa shacabka soomaaliyeed inay ka hor-tegi doonto wax kasta oo dib u dhac u keeni kara Safarkooda iyadoo Wasaaraddu ay la xisaabtimi doonto shirkadahii iyo shakhsiyaadkii sababta u ahaa dib u dhaca.”

May be an image of text

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka Sh/hoose oo gargaar gaarsiiyay dadkii argagixisadu dhibaatada ugu gaysteen Qoryoolay

Qoryoolay-(SONNA)-Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa tagay degmada Qoryooleey ee Gobolkaas, Qoryooleey Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa dad shacab…

Wararka
September 18, 2019

Hawlgal ka dhacay Tuulada dhagaxow ayaa lagu dilay 49 xubnood oo ka tirsanaa Khawaariijta

Muqdisho(SONNA):-Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada…

GudahaWararka
January 19, 2023

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday 2-ka tirsan khawaarijta Daacish

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun min 8 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi)…

GudahaWararka
December 16, 2023

Dowladda Soomaaliya oo daah-furtay mashruuca iskuxirka hanaanka casriga ah ee gobolka bariga Afrika

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Fedeka Soomaaliya 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧…

GudahaWararka
January 30, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023