Muqdisho.(SONNA)…Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay dhameystirto tarjumaadda Xeerka Gaadiidka Badda (Somali Shipping Code) ayna meel-Mariso Sharciyada kala ah SOLAS &MARPOL kuwasoo muhiim u ah Ganacsiga iyo Badqabka Badmaridda iyo ka hortaga Wasakheynta Badda.
Sharcigaan ayaa ย ku qornaa luqadda English -ka waxa ayaa Wasaaraddu sheegtay in loo turjumay luqadda Soomaaliga, ayadoo la rajeynayo in dhowaan Golaha Wasiirada la mariyo si uu u noqdo sharci dalka ka dhaqan gala.
Shirkaan oo lagu soo bandhigayay Xeerka Gaadiidka Bada oo maanta ka lagu qabatay muqdisho waxaaa daah furay Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda #Xildhibaan #Maryan #Aweys #Jaamac, waxaana ka Soo qaybgalay xubno ka socday Labada Gole ee Baarlamaanka JFS iyo Hay’adaha caalamiga ah UNSOM,EUCAP iyo IMO