Muqdisho.(SONNA):- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Federaalka ayaa iyadoo fulineyso go’aannada xukuumadda iyo aragtida madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo saartay go’aanno iyo awaamiir lagu xakameynayo ka ganacsiga iyo si xun u isticmaalka Daawooyinka La xakameeyo (Controlled substances) oo dalkeennu ku soo badanayay muddooyinkii ugu dambeeyay..