Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay xubno muhiim ah oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
Kulanka ayaa looga hadlay muhimada ay leedahay tayeenta, mideynta iyo horumarinta manaahijta Caafimaadka ee lagu tababaro shaqaalaha Caafimaadka.
Waxaana Kulankan ayaa si gaar ahย diirada loogu saaray manhajka kalkaaliyaasha kaasoo dhawaan wadatashigiisu lagu qaban doono magaalada Muqdisho.
Wasiir dowlaha wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Maryan Mohamed Hussein ayaa soo dhaweyn u sameesay xubnaha ka socday wasaaradda Waxbarashada sidoo kale bogaadisay shaqada socota taasoo ay ku sheegtay in la joogo xiligii la nidaamin lahaa shaqaalaha Caafimaadka dalka.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee tacliinta Sare iyo agaasinka manhajyada qaran kuwaasoo u mahadceliyay wasaaradda Caafimaadka sidoo kale tilmaamay ahmiyada qaranka u leedahay hooshaan waxayna balan qaadeen in ay wasaaradda kala shaqeyn doonaan Hagaajinta nidaamka Waxbarashada Caafimaadka.
Kulan ayaa soo agaasintay xafiiska horumarinta kalkaaliyaasha iyo Umulisooyinka qaranka ee waaxda horumarinta shaqaalaha ee Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. Kulankan ayaa ku dhamaaday guul iyo afgarasho.