Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta deeq daawo iyo agab kale oo ka kooban dhamman qalabka loogu hortago COVID-19 gaarsiisay isbitaalka Degmada Ceelberde ee Gobolka Baay.
Qalabka ayaa waxaa ka mid ah maryaha afka lagu xerto ee (Face Mask) gacmo gashi ,dareeraha gacmaha lagu dhaqdo iyo qalabka kale waxaana lagu wareejiyay isbitaalka weyn ee Degmada Ceelbarde, arrintaan ayaana ka dambeysay kadib markii bulshada deegaanka ay codsadeen in laga taageero qalabka looga hortago cudurka safmarka ee Karoona Feyrus.
Guddoomiyaha Degmada Ceelbarde Haadi Siraad Cumar iyo madaxa Caafimaadka Degmada Maxamed Saciid Cali oo qalabka kala wareegay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa ka mahad celiyay Agabkaan loo keenay, iyaggoo xusay inay u baahnaayeen.
“Waan uga mahad celineynaa wasaaradda caafimaadka sida ay uga soo jawaabtay codsigeyna ee ahaa inaan sida uga dhaqsiyaha badan aan u helno agabkaan caafimaad maadaama ay nasoo wajahday cabsida aan ka qabno saameynta cudurka Covid-19 “ayuu yiri guddoomiyaha degmadda Degmada.