Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 39ย qof oo cusub,ย taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaadย 724.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyayย 23ย xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 19, iyo Gobolka Benaadir 4 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysaย 2,719.
Bukaannada cusub dhamaanย 23ย kooda waa rag. 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaaย 88ย qof.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.