Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda caafimaadka oo ku dhawaaqday inuu si rasmi ah u shaqo bilaabay Bangiga dhiigga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda caafimaadka oo ku dhawaaqday inuu si rasmi ah u shaqo bilaabay Bangiga dhiigga
GudahaWararka

Wasaaradda caafimaadka oo ku dhawaaqday inuu si rasmi ah u shaqo bilaabay Bangiga dhiigga

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 26, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aaden ayaa ku dhawaaqey in wixii ka bilowda maanta uu si toos ah u hawlgalay Bangiga dhiigaa Qaranka, waxaana munaasabadda shaacinta ololah dhiig bixinta ku wehlinayey maanta xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaas oo kala ah Xuseen Maxamed Nuur, Xil Khaasim Cilmi Seed, Xil Cadnaan Cismaan Cilmi, Xil Caydaruus Saalax, agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, maamulka agaasimaha Bangiga Dhiigga Agaasimaha Isbitaalka Benaadir iyo xubno kale.

Dhammaan madaxdii maanta tagtay ee uu hogaaminayey Wasiirka Caafimaadka ee isugu jirey Xildhibaanada iyo Madaxda kale ee Wasaaradda ayaa dhiigooda ku deeqey waxay noqdeen mas’uuliyiintii ugu horreysey ee si mutadawacnimo ah usii bixiya maadaama Ololahan ay ka wada qeyb qaadan doonaan dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhismaha Bangiga dhiigga ayaa soo marey heerar kala duwan waxaana ugu dambeyn lagu guuleystey dhamaystirkiisa iyo in uu si toos ah u howlgalo maanta oo ay taariikhdu tahay 26, August 2024, taas oo qeyb ka ah gaaritaanka yoolka horumarinta Caafimaadka guud ee dalka, sidoo kale wuxuu si weyn u xoojin doonaa silsilada sahayda Caafimaadka ee xudunta udub dhexaadka u ah kaydinta dhiiga iyo muwaadinku si sahlan uu uga dhiman dhiig la’aan.

Howlgalinta Bangiga dhiigga waa tallaabo aad u wayn oo loo qaaday dhinaca horumarinta adeegyada Caafimaadka guud ahaan, sidoo kale waa tallaabo horay loogu qaaday xaqiijinta hiigsiga Xukuumadda Danqaran ee ku qeexan qorshaha Qaranka, sidoo kale waa tallaabo inoo sii dhawaynayo yoolka fog ee ah in ay bulshadeennu ku naalooto Caafimaad haqab-tiran.

Bangigan ayaa fududayn doono hellitaanka dhiigga xilli kasta oo loo baahan yahay iyo in muwaadinga Soomaaliyeed la yiraahdo dhiig baa loo waayey taas oo caqabad wayn ku aheyd in muwaadinka badnaadad u baahan loo hello gargaarka dhiigga, waxa uuna Bangigan ka qayb qaadan doonto in ay fududaado bixitna adeegga Caafimaadka gaar ahaan xilliyada gurmadka.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Cali Xaaji Aaden ayaa ku dhawaaqey ololaha bulshada Soomaaliyeed ugu qeyb qaadan karto keydinta Dhiigga si looga maarmo in mararka ay dhacdo xaaladaha deg degga ah in baraha bulshada laga naadiyo dhiigagga loo baahan yahay ama la waayo waana tallaabo muujineysa mustaqbalka Caafimaadka halka uu ku wajahan yahay.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an waxaa ka go’an horumarinta iyo tayeynta Caafimaadka si loo gaaro yoolka fog ee hiigsiga horumarinta Caafimaadka maadaama Caafimaadku yahay kan ugu muhiimsan adeegyada bulshada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray deegaanada fatahaaddu saamaysay ee Jubada hoose

Kismaayo (SONNA): Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanada uu ku fatahay wabiga…

GudahaWararka
November 21, 2023

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay Shabeellada hoose

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka XDS ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay degaannada kala ah Jowhar Aw-dheegle, Daanyeerrey, Gumeysi diid,…

GudahaWararka
April 19, 2023

Ra”iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New…

GudahaWararka
September 17, 2023

Talaalka Sinopharm Vaccine oo maanta Muqdisho soo gaari doona

Muqdisho, April 11, 2021- Dowladda aan saaxiibka nahay ee China ayaa maanta oo axad ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejin…

Gudaha
April 11, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023