Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda caafimaadka oo ku dhawaaqday inuu si rasmi ah u shaqo bilaabay Bangiga dhiigga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda caafimaadka oo ku dhawaaqday inuu si rasmi ah u shaqo bilaabay Bangiga dhiigga
GudahaWararka

Wasaaradda caafimaadka oo ku dhawaaqday inuu si rasmi ah u shaqo bilaabay Bangiga dhiigga

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 26, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aaden ayaa ku dhawaaqey in wixii ka bilowda maanta uu si toos ah u hawlgalay Bangiga dhiigaa Qaranka, waxaana munaasabadda shaacinta ololah dhiig bixinta ku wehlinayey maanta xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaas oo kala ah Xuseen Maxamed Nuur, Xil Khaasim Cilmi Seed, Xil Cadnaan Cismaan Cilmi, Xil Caydaruus Saalax, agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, maamulka agaasimaha Bangiga Dhiigga Agaasimaha Isbitaalka Benaadir iyo xubno kale.

Dhammaan madaxdii maanta tagtay ee uu hogaaminayey Wasiirka Caafimaadka ee isugu jirey Xildhibaanada iyo Madaxda kale ee Wasaaradda ayaa dhiigooda ku deeqey waxay noqdeen mas’uuliyiintii ugu horreysey ee si mutadawacnimo ah usii bixiya maadaama Ololahan ay ka wada qeyb qaadan doonaan dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhismaha Bangiga dhiigga ayaa soo marey heerar kala duwan waxaana ugu dambeyn lagu guuleystey dhamaystirkiisa iyo in uu si toos ah u howlgalo maanta oo ay taariikhdu tahay 26, August 2024, taas oo qeyb ka ah gaaritaanka yoolka horumarinta Caafimaadka guud ee dalka, sidoo kale wuxuu si weyn u xoojin doonaa silsilada sahayda Caafimaadka ee xudunta udub dhexaadka u ah kaydinta dhiiga iyo muwaadinku si sahlan uu uga dhiman dhiig la’aan.

Howlgalinta Bangiga dhiigga waa tallaabo aad u wayn oo loo qaaday dhinaca horumarinta adeegyada Caafimaadka guud ahaan, sidoo kale waa tallaabo horay loogu qaaday xaqiijinta hiigsiga Xukuumadda Danqaran ee ku qeexan qorshaha Qaranka, sidoo kale waa tallaabo inoo sii dhawaynayo yoolka fog ee ah in ay bulshadeennu ku naalooto Caafimaad haqab-tiran.

Bangigan ayaa fududayn doono hellitaanka dhiigga xilli kasta oo loo baahan yahay iyo in muwaadinga Soomaaliyeed la yiraahdo dhiig baa loo waayey taas oo caqabad wayn ku aheyd in muwaadinka badnaadad u baahan loo hello gargaarka dhiigga, waxa uuna Bangigan ka qayb qaadan doonto in ay fududaado bixitna adeegga Caafimaadka gaar ahaan xilliyada gurmadka.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Cali Xaaji Aaden ayaa ku dhawaaqey ololaha bulshada Soomaaliyeed ugu qeyb qaadan karto keydinta Dhiigga si looga maarmo in mararka ay dhacdo xaaladaha deg degga ah in baraha bulshada laga naadiyo dhiigagga loo baahan yahay ama la waayo waana tallaabo muujineysa mustaqbalka Caafimaadka halka uu ku wajahan yahay.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an waxaa ka go’an horumarinta iyo tayeynta Caafimaadka si loo gaaro yoolka fog ee hiigsiga horumarinta Caafimaadka maadaama Caafimaadku yahay kan ugu muhiimsan adeegyada bulshada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo casho sharaf u sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BJFS.

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hooygiisa casho sharaf ugu sameeyay…

Wararka
July 16, 2023

Agaasime Ku-xiggeenka Madaxtooyada JFS oo la kulmay qaar kamid ah mutadawiciinta barnaamijka Is-xilqaan

Muqdisho (SONNA)-Ku-xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinur Maxamed Axmed ayaa kulan looga hadlay dardar-gelinta wejiga labaad…

Wararka
September 29, 2020

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo lagu wareejiyay rag u diyaarsan ka qeyb galka dagaalka Khawaarijta โ€œSawirroโ€

Dadka deegaanka Furqaan ee gobolka Shabeellada Dhexe oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta ayaa maanta Taliyaha Ciidanka Dhulkaย  ku wareejiyay rag…

GudahaWararka
December 17, 2022

Wasiirka warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan ka hortaga wararka been abuurka ah

Muqdisho (SONNA): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray tababar…

GudahaWararka
June 12, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023