Muqdisho (SONNA)-Munaasabad lagu soo xirayay tababarka mudo sadax maalmood ah Dhuusamareeb uga socday, 42 xirfadle caafimad oo ka kala yimid xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Galmudug, kuwaas qaatay aqoon kororsi la xiriiraย daweynta, xakamaynta iyo ka hortagga cudurada faafa ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.
Tababarkaas waxaa si wadajir ah qabtay wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo heyโadda caafimaadka aduunka ee WHO waxaana maanta munaasabadii lagu soo xiray ka qayb galay madax ka kala socotay wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo heyโadda WHO.
Dr. Maxamed Bishaar Shire Faarax oo ah madaxa dhakhaatiirta Galmudug ayaa ka waramey kaalinta kor u qaadidaย aqoonta xirfadlayaasha caafimaadka ee ka howlgala Galmudug ay ka cayaari karaan badbaadada bulshada Soomaaliyeed, isagoo codsaday in la soo kordhiyo oo muhiimad gaar ah la siiyo tababarrada dhakhaatiirta Soomaaliyeed.
Dhankiisa Cabdixakiin Maxamed Diiriye Agaasimaha waaxda qorshaynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimadka Galmudug oo tababarka si rasmi ah u soo xiray ayaa ka dalbaday shaqaalaha in ay hirgaliyaan culuumta la siiyey oo ku timid baahi muuqatay oo dhanka xarumaha caafimaadka ka timid, taas oo ay muhiim tahay in deg deg looga soo kabto.