Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda Boostada oo faah-faahisay nuxurka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Boostada oo faah-faahisay nuxurka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda
Wararka

Wasaaradda Boostada oo faah-faahisay nuxurka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 29, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta, taas oo ah middii ugu horreysay ee uu Dalku yeesho.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Md; Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in siyaasaddan ay ku timid wada-tashiyo muddo dheer qaadatay oo lala yeeshay dhammaan daneeyayaasha kala duwan ee siyaasaddan.

Mudane; Canshuur ayaa xusay in Dalkeennu uu leeyahay mid ka mid ah Isgaarsiinta ugu casrisan Qaaraddan Afrika, hase yeeshee ay ku shaqeyn jireen Suuq uusan ka jirin sharci iyo siyaasad, balse Saddexdii Sano ee la soo dhaafay ay Wasaaraddu waqti badan galisay sidii loo sameyn lahaa nidaamkii iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa shirkadaha.

โ€œHadda waxaan leenahay sharci, hayโ€™ad Isgaarsiineed, iyo siyaasad Qaran, taas waxay micnaheedu tahay inaan leennahay nidaamkii sharci iyo siyaasadeed ee lagu sii horumarin lahaa, isla markaana ay ku soo jiidan karaan maalgashi dheeri ah,โ€ ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Siyaasaddan, wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowlad Goboleedyada, daneeyeyaasha kale ee fikirkooda ka soo dhiibtay muddadii wada-tashiyada iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo taageero farsamo ku caawisay sidii loo heli lahaa siyaasad casri ah.

Siyaasaddan ayaa looga gol leeyahay in lagu taageero sidii loo xaqiijin lahaa yoolasha ugu waaweyn ee qorshaha horumarinta Qaranka, tubaha Qaranka iyo hiigsiga fog ee Xukuumadda ee ah sidii Teknoolojiyadda loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo Bulshada, iyadoo sidoo kale istiraatiijiyaddan ay xoojineyso sidii wada-shaqeyn iyo isku-xirnaan ay u yeelan lahaayeen dhinacyada kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Dalka.

Qeybaha ugu waaweyn ee ay siyaasaddu xoogga saareyso Shanta Sano ee soo socota waxaa ka mid ah kordhinta helitaan Internet tayo leh oo qiima jaban, dhismaha kaabayaasha Isgaarsiinta, ilaalinta xogta macaamiisha, bixinta adeegyada Dadweynaha ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, Beeraha (e-government, e-health, e-business, e-agriculture and e-education), dhismaha hannaanka dhaqaalaha ku saleysan internetka, iyo sidii loo abuuri lahaa xog badan oo afkeena ku qoran oo laga heli karo Internet-ka.

Raโ€™iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo shirka Guddoominayay ayaa ugu baaqay Wasaaradaha iyo hayโ€™adaha kale ee Dowladda, shirkadaha ganacsiga, iyo hayโ€™adaha ka shaqeeya horumarinta in ay Gacan ka geystaan fulinta siyaasaddan, iyadoo hawlahooda dhinaca Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ku saleynaya siyaasaddan.

Halkan ka aqriso nuqulka Af-Soomaaliga ee siyaasadda:
Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda

Siyaasadda-Qaran-ee-Isgaarsiinta-Teknolojiyadda

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmaajo oo sagootiyey dhaawacyo loo qaaday dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah…

Wararka
December 29, 2019

R/Wasaare Rooble oo la kulmay xubno ka socday beesha caalamka

Raโ€™iisul wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta magaalad Muqdisho kulan kula qaatay saaxibadda beesha caalamka ee daneeya dalka…

Wararka
February 24, 2021

Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika oo qaabilay Safiirka Switzerland

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Yoonis Xaashi, ayaa shalay xarunta Wasaaradda…

GudahaWararka
December 4, 2024

Doorashooyinka madaxtinimmo ee Mareykanka oo maanta ka dhacaya dalkaasi

Muqdisho(SONNA):-Doorashooyinka dalka Mareykanka ee Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah kuraasta sharci-dejinta ayaa maanta oo ay bishu tahay 5 November…

GudahaWararka
November 5, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023