Muqdisho (SONNA)- Qaar ka mida Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha ayaa ka faa’iideysan doona tababrkan casriga ah ee ku saabsan nidaamka beeraha ee ERP Software oo ah hanaan casri ah oo ay Wasaaraddu ku shaqeyn doonto, kaas oo sahli doona in qof walba uu kumbiyuutarka ama Telefonkiisa gacanta ah kala socdo xogta iyo shaqada Wasaaradda oo dhan.
Tababarkan oo ay taabagelintiisu iska kaashanyaan Wasaaradda Beeraha iyo shirkadda Big Technology Service ayaa waxaa daah furay siihayaha Wasiir ku-xigeenka beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Ffederaalka Soomaaliya mudane Xaamud Cali Xasan wuxuuna shaqaalaha ka qeyb galaya ku booriyay inay ka faa’iideystaan tababarkan.
Nidaamkan casriga ah ee dhaqan gelintiisa loo tababarayo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Beeraha ayaa la filayaa inuu wax badan ku soo kordhiyo habsami u socodka shaqada iyo la xisaabtanka shaqaalaha Wasaaradda oo qabta shaqooyin kala duwan.