Muqdisho (SONNA) Shirkan wada tashiga ay soo qaban qaabisay wasaaradda Batrolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo dhexmaray wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowlada goboleed iyo gobolka Banaadir.
Ajandayaasha shirkaasi lagu gorfeeyey waxaa kamid ah in si buxda looga wada shaqeeyo arrimaha hortabinta u leh wasaaradda Batroolka iyoMacdanta,ayna kamid yihiindhameystirka sharciga Macdanta iyo xeer nidaamiyeyaasha dareeraha hoose iyo kan hayโadda Batroolka oo muhiimada weyn u leh dalka.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS mudane Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa (SONNA) uga waramay muhiimadda shirciyadaasi ay dalka u leeyihiin.
โWaxaan shir wada jir ah oo muhiim ah laย yeelanay qaar ka mid ah Wasiirada,Agaasimayaasha wasaaradaha Batroolka iyo Macdanta dowladaha xubnaha ka ah DFS, Gobolka Banaadir, Maareeyaha iyo maareeye xigeen ka Hayโaddaย Batroolka Soomaaliyeed,
Shirka oo intiisa badan aan diirada ku saarnay is xog waraysi wixii u qabsoomay, waxa aan qabsoomin, caqabadaha iyo qorsha yaasha kala duwan ee u degsan dhinyada kulmay ayaa gaba gabadii hoosta laga wada xariiqay in si buuxda loo wada shaqeeyo iyo dhamaystirka hawlaha horutabinta u leh Wasaaraddaโ. Ayuu yiri wasiir Hilaal.
Sharciyadan oo ay waddo wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa kamid ah shuruuc badan oo muhiim u ah dalka,kuwaasi oo horyaala hayโadda fulinta iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.