Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta deeq Raashin ah u qeybisay qaar ka mid ah Macalimiinta Dugsiyada Qrโaanka iyo Imaamyada Masaajida ee Magaalada Muqdisho taasi oo loogu talagaly bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Deeqdaan ayaa waxa ay ka timid Hayโadda Bisha CAS Turkiga iyadoo maanta ay Wasaaradda Awqaafta ย ay ka qeyb-bisay Masajidka isbaaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalkad Soomaaliya Cismaan aadan Dhuuboow ayaa uga mahadceliyay Hayโadda Bisha Cas ee Turkiga waxaana uu intaa ku daray in xilligaan lagu jira uu yahay mid ka duwan marxadahii hore maadaama uu dalka la tacaalayo Cudurka Karoona โฆCod
โWaxaan uga mahadcelinayaa Hayโadda Bisha Cas deeqda ay nasoo garsiisay si aan imaamyadda iyo Macalimiinta Duqsiyafa Qurโaanka qaarkood aan u siino afurin madaama uu dalka saameeyay cudurka Covid-19 iyo sidoo kale bisha Barakeysan ee Ramadaanโ
Sidoo kale Wasiirku waxaa uu u digay dadka wax kusoo qaato inay u gurmanayaan dadka danyarta ah ee aanan sidii loogu talagalay u gaarsiinin deeqaha ay soo qadaan waxaana uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono cidii lagu helo falkaasi.
โWaxaan udigayaa dadka wax kusoo qaata inay dadka danyarta ah u gargaarayaan hadane aan sidii loogu talagalay u gaarsiinin laguna helo falkaasi foosha xun sharciga la horgeyn doonoโ