Muqdisho (SONNA) Shirweynaha wadatashiga wasaaradda Awqaafta iiyoarrimaha Diinta JFS iyo wasaaradaha Awqaafta iyo arrimasha Diinta Dowlad Goboleedyada dalkla oo Maanta Kafurmay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ay kawada qeybgaleen wasiirada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Heer Federaal iyo heer dowlad goboleed Ugu horeeyo Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali,Wasiiru dowlaha Abukar Jeylani Skeekh Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Galmudug Hassan Abdikadir Husein,Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabele Abukar Hassan Ali , Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur galbeed Nuur Siidow Baba iyo Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubaland Mohamed Yusuf Omar.
Waxaa shirka qeyb ka ahaa Agaasimayaasha Wasaaradahaasi heer federaal iyo heer Dowlad goboleed sida odayaal dhaqanka, Haweenka iyo Xubno Bulshada Rayidka kamid ah oo maamul gobolreedyada kasocday.
Kulankan ayaa diirada lagu saaraayey sidii bulshada Soomaaliyeed looga wacyigelin lahaa Fikirka xagjirka ah.