Makka (SONNA): Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS ayaa Shahaado Sharaf ku abaal marisay Warbaahinta Qaranka oo shaqo wanaagsan ka qabatay soo gudbinta xogta rasmiga ah ee xujeyda Soomaaliyeed sanadkaan.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranku ay bulshada usoo bandhigtay hormarka la taaban karo ee dowladdu ka sameysay adeegga xujeyda Soomaaliyeed oo meel wanaagsan soo gaaray isagoo guddoonsiiyey abaal marin Shahaado sharaf.
Wasaaradda Owqaafta ayaa sanadkaan wax badan oo is badal muuqda ah ku sameysay adeegga xajka waxaana hadda socda dadaal sanadka dambe laga sii hormarinayo halka uu hadda soo gaaray.