Muqdisho.(SONNA):- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiinta XFS ayaa baaq nabadeed kasoo saartay colaadaha iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka.
” Warxafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu yiri” wasaaraddu waxay ku baaqeysaa in la joojiyo colaadaha,beegsiga iyo barakacinta shacabka ee sababtay khasaaraha lixaadka leh ee isugu jira dhimasho,dhaawac iyo barakicin”.
Halkaan hoose ka akhriso warxaafadeedka: