Galmudug(SONNA):-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-Uheshiinta Dowladda Galmudug oo kaashanaysaย Mashruuca horumarinta dowlaha hoose ee JPLG ayaa tababar uga furtay magaalada Dhuusamareeb shaqaalaha waaxda daqliga dowlada hoose ee Caasimada Galmudug, kuwaa oo loo taba barayo fahamka macluumaadka Tignoolajiyada, gaar ahaan howlaha la xiriira sida dhaqalaha loo abuuro, kordhinta daqliga iyo adeegsiga Tignoolajiyada.
Xubnaha ka socda xafiiska waaxda daqliga Dowlada hoose ee Dhuusamareeb ayaa sidoo kale lagu tababarayaa muddo shan cisho ah arimaha la xiriira daryeelka Macmiilka iyo hoggaansanaanta Canshuur bixiyaa, & awoodaha sharci ee canshuur uruurinta, ka qayb galayaasha oo xambaaraya fariin guud oo ku socota adeegayaasha daqliga caasimada ayaa koobaya fariimaha tababarayaasha oo nuxurkooda ugu weyni yahayย muhiimada gudashada amaanada iyo dhowrsanaanta akhlaaqda shaqada.
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug Mudane Ahmed Osman Adan oo furay tababarka ayaaย xusey in tababarkan ay faa’iido weyn ugu jirto ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha waaxda daqliga dowlada hoose ee Caasimada Galmudug