Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa caawa kulan casho iyo soo dhaweyn ah u sameeyay wafdi ka socday wadanka Tanzania oo maanta soo gaaray dalka.
kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji , Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan, masuuliyiinta ka socotay dalka Tanzania iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS danjire Axmed Macalin Fiqi oo soo dhaweeyay Wafdiga ka socoday dalka Tanzania, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Tanzania ay yeelan doonaan xiriir qoto dheer oo ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga bariga Afrika Mahmuud Kombo ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa , isagoo intaas ku daray in labada dal ay kala saxiixan doonaan heshiisyo muhiim ah oo ay ka wada faa’iideysan doonaan shucuubta labada wadan.