Muqdisho, SONNA:- Xoghayaha joogta, Agaasimayaasha waaxyaha iyo howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo Isniin ah ka qeybgalay dibadbax ka dhacay Xeebta Liido ee caasimadda Muqdisho, kaasoo hayโadaha dowladda iyo bulshada gobolka Banaadir ay ku cambaareeyeen weerarkii khawaariijta ay ku xasuuqeen dad rayid ah oo nasiinno ku qaadanayay habeenkii Jimcaha (2 bisha August) xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.
Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka socday hayโadaha dawladda iyo dadweynaha caasimadda Muqdisho ayaa ku soo bandhigay goobta lagu gumaaday dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan farriimo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan ficillada arxan-darrada ah ee khawaarijta ay kula kacayaan shacabka.
Dibad-baxa ayaa tilmaam u ahaa sida Shacabka Soomaaliyeed ugu goโantahay in dowladdooda kala qeyb qaataan ciribtirka Khawaarijta.