Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta dowlad-goboleedka Galmudug ayaa tababar Hagaha Canshuuraha maxaliga ah u soo xirtay 10 xubnood oo ka tirsan Maamulka degmada Gaalkacyo, Kuwaas oo loo tababaray ka shaqeynta Canshuuraha Maxaliga Ee dawladaha Hoose.
Qabsoomida tababarkaan oo soconayey muddo labo maalmood ah ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug, Hayโada UN-Habitat/JPLG iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo,
Madaxda Wasaaradda Arimaha Gudaha & Madaxda Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa gunaanadka munaasabaddan shahaadooyin gudoonsiiyey ka qeyb-galayaasha tababarka Hagaha Canshuuraha Maxaliga ah.