Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cali Doodishe oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, Taliye Xigeenka Ciidankaย Boliiska, Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Mudane. Yuusuf Cali, Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Col. Macalin Mahadiย iyo Saraakisha Howlgalka Ciiltire, ayaa kulan oo looga arinsanayo Sugida Amniga iyo Xasiloonidda Caasimada iyo Nawaaxigeeda ku yeeshay xarunta Wasaradda Amniga Gudaga JFS.
Inta uu kulanka socday ayaa la xog wareystay Saraakiisha hoggaamiinaysa howlgalka Ciiltire sidii loo adkeyn lahaa amaanka guud eeย Caasimada gaar ahaan inta lagu guda jiro maalmaha Ciida iyo Munasabadda Asbuuca Xuriyadda.