Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo wasiirka amniga gudaha mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa shir guddoomiyey kulan looga wadatashanayey u diyaar garowga Imtixaanka Dugsiyada Sare oo dhawaan laga qaban doonno dalka.
Kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyey sida ugu habboon ee lagu xaqiijinayo amniga goobaha imtixaanka, isla markaana lagu kormeerayo habsami u socodka hawlaha kala duwan ee imtixaanka oo lagu qabanayo 136 goobood, iyada oo ay sanadkan geleyaan in ka badan 37,000 oo arday.
Labada wasiir ayaa kula dardaarmay saraakiisha Boliiska iyo kormeerayaasha waxbarshada in ay si hufan u gutaan mas’uuliyadda iyo waajibkooda shaqo, isla markaana hubiyaan in aysan dhicin ร mni-darro, wax isdabamarin, qish iyo maamulxumo, isaga oo u rajeeyay ardayda imtixaanka geleysa guul iyo horumar.
Kulanka ayaa waxaa Wasiirrada ku weheliyey wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, Marwo Nuurto Mustaf Mukhtaar, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Sulub Axmed Firin, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, xoghayaha joogtada wasaaradda Waxbarashada, ku-simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Amniga, kormeerayaasha imtixaanka iyo marti sharaf kale.