Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
    Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasaarada khayradka biyaha oo daah furtay deeq waxbarasho oo heerka 2-aad ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaarada khayradka biyaha oo daah furtay deeq waxbarasho oo heerka 2-aad ah
GudahaWararka

Wasaarada khayradka biyaha oo daah furtay deeq waxbarasho oo heerka 2-aad ah

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: July 5, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda UNDP iyo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Sweden (SIDA) ayaa ka hirgelisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxbarshada heerka 2-aad ee takahsuska iskudhafka maareynta kheyraadka biyaha (Master of Science in Integrated Water Resources Management) oo ah takhasuskii u horeeyey ee noociisa ah oo Soomaaliya laga hirgeliyo si loo helo aqoonyahano Soomaaliyeed oo awood u leh maareeynta kheyraadka biyaha.

Wasaaradda oo kaashanaysa kulliyada taqasuska iyo cilmi baarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah daahfurtay takhasusuka iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha oo hadafkiisu yahay in la soo saaro aqoonyahano awood u leh maareeynta kheyraadka dalka si wax looga qabto caqabadaha waaweyn ee maareynta kheyraadka biyaha ee heer deegaan, heer qaran iyo heer caalami.

Iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha waa hab dhamaystiran oo loo maareeyo biyaha iyadoo la tixgalinaayo bulshada, dhaqaalaha, iyo deegaanka si loo dheelitiro baahida biyaha ee dhammaan isticmaalayaasha kala duwan. Habkani waxa uu midaynayaa qaybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin maamulka biyaha, ilaalinta deegaanka iyo nabadgelyada. Waxay gacan ka geysan kartaa kor u qaadista isticmaalka biyaha waara, ka hortagga iska horimaadyada la xiriira biyaha, iyo xaqiijinta qoondaynta biyaha ee loo siman yahay.

Soomaaliya waxaa marwalba ka jira abaaro iyo fatahaado baahsan oo soo noq-noqda kuwaas oo saameyn ba’an ku yeesha nolasha malaayiin Soomaali ah sanad walba sababtana dhimashada dad iyo duunyaba, burbur hantiyeed, deegaan, kaabayaasha dhaqaalaha, iwm. Soomaaliya waxaa ka jira halis wadareed kala duwan oo isugu jira kuwa bani’aadmigu sameeyo iyo kuwo dabiici ah, oo ay ka mid yihiin fatahaado, abaaro iyo cudurro dillaaca. Dhibaatooyinka cimilada oo ay ka mid yihiin daadad iyo abaaro, ayaa ah kuwo soo noqnoqda marka isbeddelka cimiladu uu sii socdo.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa ku soo dhoweeyay marti sharafta ka soo qeyb gashay xafladda lagu daah furayay p borograamka Master ka oo ka dhacay Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho. Wasiiru dowlaha ayaa ku dheeraaday ujeeddada barnaamijkan, taariikhdiisa, iyo muhiimadda uu u leeyahay maamulka biyaha Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabad lagu daah furayay Master ka ayaa la wadaagay guulaha la taaban karo ee dhanka waxbarashada, isagoo iftiimiyay u diyaar garowga laga soo billaabo nidaamka diwaan gelinta ardayda illaa uu si habsami leh u soo dhammaaday simistarka koowaad. Gudoomiye ku xigeenka ayaa carabka ku adkeeyay sida hagar la’aanta ah ee ay jaamacaddu uga go’an tahay in ay keento heer waxbarasho oo tayo sare leh.

Wakiilka ka socday Hay’adda UNDP ee Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Xafladda. Erayadiisa aad ayey ula dhacsanaayeen dadweynihii ka soo qeyb galay, isagoo ku nuux-nuux saday sida ay uga go’an tahay hay’adda UNDP horumarinta kheyraadka biyaha.

Mudane Faarax Cabdulqaadir wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabad lagu daah furayay waxbarshada heerka labaad ee takhasuska iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha Wasiirka ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Wasaaradda, Jaamacadda Umadda iyo UNDP iyo SIDA sida sharafta leh ee ay u keeneen barnaamijkan Master-ka ah ee Soomaaliya, isagoo muujiyay ahmiyada uu leeyahay oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee dalka laga sameeyo,iyaga oo diirada saaraya maaraynta isku dhafka ilaha biyaha.

Ugu dambeyn, wasiirka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha mudane Jaamac Taqal Cabaas ayaa si rasmi ah u soo xiray xafladda isagoo u mahad naqay dhammaan kasoo qeyb galayaasha xafladda lagu daahfurayo waxbarshada heerka labaad ee taqasuska iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha. Wasiirka ayaa umahadceliyay dhammaan inta ka qeyb qaadatay hirgelinta barnaamijkaan oo muhiimad gaar ah u leh umadda Soomaaliyeed isagoo sheegay in Wasaaradda ay sii kordhin doonto taqasusyada kala duwan ee dhinacyada biyaha si dalka uu u helo biyo ku filan dalkan u gaaro horukac dhaqaale iyo barwaaqo. Wasiirka tamarta iyo kheyraadka Biyaha iyo Wasiirka Waxbarshada, hidaha iyo tacliinta sare ayaa si rasmi ah xariga ugu wada jaray waxbarshada heerka labaad ee takhasuska iskudhafka kheyraadka biyaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo…

September 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra”iisul wasaare Xamse oo ugu hambalyeey Ciidanka Xoogga dalka sanadguurada 65-aad

Muqdusho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala…

GudahaWararka
April 12, 2025

Xasuuq cusub oo lagu fuliyay Falastiiniyiin gaajeysan  oo sugaayey gargaar

Ugu yaraan 20 falastiiniyiin ah ayaa la dilay in ka badan 150 kalena waxaa lagu dhaawacay waqooyiga magaalada Gaza ka…

Caalamka
March 15, 2024

Ra’iisul Wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Shirka Wadatashiga Qaranka ee Doorashooyinka “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khudbad ka jeediyey xaflada xiritaanka shirka golaha wadatashiga qaran…

GudahaWararka
May 27, 2021

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Mongolia oo Nuqulka Warqadaha Aqoonsiga Gudbisay

Muqdisho(SONNA):-Safiirka aan degganeyn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Mongolia, Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa maanta si rasmi ah nuqul…

GudahaWararka
April 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023