Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasaarada khayradka biyaha oo daah furtay deeq waxbarasho oo heerka 2-aad ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaarada khayradka biyaha oo daah furtay deeq waxbarasho oo heerka 2-aad ah
GudahaWararka

Wasaarada khayradka biyaha oo daah furtay deeq waxbarasho oo heerka 2-aad ah

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: July 5, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda UNDP iyo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Sweden (SIDA) ayaa ka hirgelisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxbarshada heerka 2-aad ee takahsuska iskudhafka maareynta kheyraadka biyaha (Master of Science in Integrated Water Resources Management) oo ah takhasuskii u horeeyey ee noociisa ah oo Soomaaliya laga hirgeliyo si loo helo aqoonyahano Soomaaliyeed oo awood u leh maareeynta kheyraadka biyaha.

Wasaaradda oo kaashanaysa kulliyada taqasuska iyo cilmi baarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah daahfurtay takhasusuka iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha oo hadafkiisu yahay in la soo saaro aqoonyahano awood u leh maareeynta kheyraadka dalka si wax looga qabto caqabadaha waaweyn ee maareynta kheyraadka biyaha ee heer deegaan, heer qaran iyo heer caalami.

Iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha waa hab dhamaystiran oo loo maareeyo biyaha iyadoo la tixgalinaayo bulshada, dhaqaalaha, iyo deegaanka si loo dheelitiro baahida biyaha ee dhammaan isticmaalayaasha kala duwan. Habkani waxa uu midaynayaa qaybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin maamulka biyaha, ilaalinta deegaanka iyo nabadgelyada. Waxay gacan ka geysan kartaa kor u qaadista isticmaalka biyaha waara, ka hortagga iska horimaadyada la xiriira biyaha, iyo xaqiijinta qoondaynta biyaha ee loo siman yahay.

Soomaaliya waxaa marwalba ka jira abaaro iyo fatahaado baahsan oo soo noq-noqda kuwaas oo saameyn ba’an ku yeesha nolasha malaayiin Soomaali ah sanad walba sababtana dhimashada dad iyo duunyaba, burbur hantiyeed, deegaan, kaabayaasha dhaqaalaha, iwm. Soomaaliya waxaa ka jira halis wadareed kala duwan oo isugu jira kuwa bani’aadmigu sameeyo iyo kuwo dabiici ah, oo ay ka mid yihiin fatahaado, abaaro iyo cudurro dillaaca. Dhibaatooyinka cimilada oo ay ka mid yihiin daadad iyo abaaro, ayaa ah kuwo soo noqnoqda marka isbeddelka cimiladu uu sii socdo.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa ku soo dhoweeyay marti sharafta ka soo qeyb gashay xafladda lagu daah furayay p borograamka Master ka oo ka dhacay Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho. Wasiiru dowlaha ayaa ku dheeraaday ujeeddada barnaamijkan, taariikhdiisa, iyo muhiimadda uu u leeyahay maamulka biyaha Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabad lagu daah furayay Master ka ayaa la wadaagay guulaha la taaban karo ee dhanka waxbarashada, isagoo iftiimiyay u diyaar garowga laga soo billaabo nidaamka diwaan gelinta ardayda illaa uu si habsami leh u soo dhammaaday simistarka koowaad. Gudoomiye ku xigeenka ayaa carabka ku adkeeyay sida hagar la’aanta ah ee ay jaamacaddu uga go’an tahay in ay keento heer waxbarasho oo tayo sare leh.

Wakiilka ka socday Hay’adda UNDP ee Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Xafladda. Erayadiisa aad ayey ula dhacsanaayeen dadweynihii ka soo qeyb galay, isagoo ku nuux-nuux saday sida ay uga go’an tahay hay’adda UNDP horumarinta kheyraadka biyaha.

Mudane Faarax Cabdulqaadir wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabad lagu daah furayay waxbarshada heerka labaad ee takhasuska iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha Wasiirka ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Wasaaradda, Jaamacadda Umadda iyo UNDP iyo SIDA sida sharafta leh ee ay u keeneen barnaamijkan Master-ka ah ee Soomaaliya, isagoo muujiyay ahmiyada uu leeyahay oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee dalka laga sameeyo,iyaga oo diirada saaraya maaraynta isku dhafka ilaha biyaha.

Ugu dambeyn, wasiirka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha mudane Jaamac Taqal Cabaas ayaa si rasmi ah u soo xiray xafladda isagoo u mahad naqay dhammaan kasoo qeyb galayaasha xafladda lagu daahfurayo waxbarshada heerka labaad ee taqasuska iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha. Wasiirka ayaa umahadceliyay dhammaan inta ka qeyb qaadatay hirgelinta barnaamijkaan oo muhiimad gaar ah u leh umadda Soomaaliyeed isagoo sheegay in Wasaaradda ay sii kordhin doonto taqasusyada kala duwan ee dhinacyada biyaha si dalka uu u helo biyo ku filan dalkan u gaaro horukac dhaqaale iyo barwaaqo. Wasiirka tamarta iyo kheyraadka Biyaha iyo Wasiirka Waxbarshada, hidaha iyo tacliinta sare ayaa si rasmi ah xariga ugu wada jaray waxbarshada heerka labaad ee takhasuska iskudhafka kheyraadka biyaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

UNDP oo bilaabeysa barnaamij samofal ah oo lagu caawinaayo dadka saboolka ah ee dunida

Sida ay tibaaxday warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Horumarinta Barnaamijyada (UNDP), Dakhli Asaasi ah oo…

Wararka
July 23, 2020

Agaasime Dhuxulow oo kulan la qaatay guddiga diyaarinta qandaraaska dukumentiga Baasaboorka

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Isku-dhafka…

GudahaWararka
May 19, 2025

Ciidamada Xoogga iyo kuwa degaanka oo Fashiliyay weerar khawaarijtu saakay ku soo qaaday deegaanka Barujeed

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ee ku sugan deegaanka Barujeed oo 40 KM u jira Degmadda ceelbuur ee gobolka…

GudahaWararka
October 15, 2023

Fariimo muhiim ah ee Corona Virus, COVID 19 (Warbixin)

Caabuqa koroona fayrays ee sababa cudurka COVD-19 wuxuu gaarii doonaa wadan kasta dhakhso, ama waqti aan dheeraynba. Waxaan shaki ka…

MaqaalladaWararkaWargayska
March 28, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023