Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warmurtiyeed ka soo baxay shirka wadahadallada DFS iyo Soomaaliland
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warmurtiyeed ka soo baxay shirka wadahadallada DFS iyo Soomaaliland
GudahaWararka

Warmurtiyeed ka soo baxay shirka wadahadallada DFS iyo Soomaaliland

By shiine Shiine
Last updated: December 29, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):-Warmurtiyeed ka soo baxay shirka geeddii-socodka hanaanka  wadahadalada dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowladda Somaliland ee lagu qabtay dalka Jabuuti ayaa lagu yirii sida tan.

Ayadoo laga ambaqaadayo dardargelinta Geeddi-socodka wadahadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Somaliland ayaa waxaa shir socdey taariikhda u dhaxeysa 28 – 29 December 2023 isugu yimid dalka Djibouti laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdl isla markaana uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. lsmaaciil Cumar Geelle.

Wadahadal iyo dood dheer ka dib waxay labada dhinac isla gaadheen qodobada soo socda:-

1. In dib loo bilaabo geeddi-socodka wadahadaladii u dhexeeyey labada dhinac, ayadoo diiradda lagu saarayo, saldhigna’looga dhigayo arrimaha masiiriga ah si loo gaadho xal-waara.

2. In labada dhinac ay muddo 30 maalmood gudahood ah ay isla meeldhigaan hannaanka geeddi-socodka (Roadmap) wadahadalada arrimaha masiiriga ah isla markaana la soo magacaabo guddiyo farsamo oo arrimahaas fududeeya.

3. In labada dhinac ay si wadajir ah u fuliyaan heshiisyadii lagu gaadhay wadahadalii labada dhinac horay ugu dhexmaray; Ankara (April 2012), London (June 2012), Ankara (April 2013), Istanbul (July 2013), Istanbul (January 2014), Djibouti (December 2014), Istanbul (March 2015), Ankara (April 2016) iyo Djibouti (June 2020).

4. In garowshiyihii dawladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfalladii,iyo burburkii dawladdii mileterigu ay ka geysatay Somallland (gobollada Waqooyi) la sii adkeeyo ka garaabiddiisa.

5. In labada dhinac ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amnIga, la dagaalanka faldambiyeedyada abaabulan ayadoo ay xiriir buuxa ka yeelanayaan arrimahaas hey’adaha u xilsaaran.

6. In goobaha iyo gobollada ay colaaduhu ka jiraan nabad Iyo xasilooni lagu soo dabaalo, isla markaana la joojiyo ayadoo loo marayo dhaqankeenii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed.

7. In labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraaladda iyo wax kasta oo wax u dhimaya Jawiga wadahadalada ee socda.

8. Labadi wafdi ee ay kala hogaaminayaan labada madaxweyne ee Dowladda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane lsmaaciil Cumar Geelle, dawladda Iyo shacabka aan walaalaha nahay ee reer Jabuuti martiqaadka, soo dhowaynta Iyo daadihinta shirarka labada dhinac. Waxayna ku boorinayaan madaxweynaha inuu arrintaas sii ambaqaado.

ALLAA MAHAD LEH

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir kuxigeenka gaashaandhigga oo ciidanka XDS ku boorriyay inay labalaabaan dagaalka ka dhanka ah cadowga

Baladweyne-(SONNA)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda gaashaandhigga XFS xildhibaan Cabdulfitaax Qaasim ayaa kormeer shaqo kutagay taliska guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee xooga Dalka…

GudahaWararkaWargayska
June 1, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Dugsiga Turkish Maarif

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Dugsiga Turkish Maarif (Ex- School-kii…

GudahaWararka
September 21, 2024

Wafdi ka socday Gaashaandhigga XFS oo lagu soo dhoweeyay Safaaradda Soomaalida ee Jarmalka

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐀𝐬𝐢𝐬 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐮𝐝 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧𝐞 ayaa xarunta safaaraddaasi ku soo dhoweeyay 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐮 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚…

Gudaha
May 15, 2025

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo qaraar ka soo saareyso is hortaag ay keeneen qareenno difaacaya eedeysanaal loo heysto falal amniga ka dhan ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fadhiisatay gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee sumaddiisu tahay MGB/DDL/179/2021, kaasi oo loo heystay eedeysanayaal ay…

GudahaWararka
May 29, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023