Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta waxqabadka todobaadlaha ah ee dowladda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta waxqabadka todobaadlaha ah ee dowladda
GudahaWararka

Warbixinta waxqabadka todobaadlaha ah ee dowladda

By Dahir Aadan Cali
Last updated: July 12, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Asmara kulan kula soo yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isaisas Afwerki. Madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtey dalka markii uu soo dhameystay booqashadiisa labada maalmood ahayd

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay cutubyo katirsan Ciidanka Cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya magaalada Asmara.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo Muqdisho lagu qabtey.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefonka kula xiriiray Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi , iyagop ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib dalka ugu soo laabtey kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tegay dalka Ciraaq.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo intii uu joogay Ciraaq kulamo mira dhal ah kula soo yeeshay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Jamhuuriyadda Ciraaq.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah ee ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo, isagoo intaa ku darey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabadda degmada Luuq.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarmalanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga Shanaad ee Baarlamaanka 11-aad, isagoo ka warbixiyay waxyaabihii Baarlamaanka u qabsoomay Kalfadhigii Afraad Iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Mudane Maxamed Cali Xaamud oo ahaa Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Australia.

12- Shirkadda Diyaaradaha Masar oo bilowday duulimaadyo ay isaga gooshayso Muqdisho iyo Qaahira.

13- Wasirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daah furay Shirweynaha Hal-abuurada Soomaaliyeed ee 2024-ka, isagoo xusay muhiimadda ay leeyihiin hal-abuurka, maalgashiga, iyo taageerada sharciga.

14- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

15- Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya Mudane Faaraxa Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga KMG ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyagoo ka wada hadley xaaladda waxbarashada dalka iyo mashaariicda hay’adaha Qaramada Midoobay ee horumarinta waxbarashada.

16- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska UNDP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wakiilka Joogtada ah, Mudane Lionel Laurens.

17- Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda TSA oo Mareykanka u qaabbilsan amniga garoomada.

18- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo kulan la qaatay dhammaan hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

19- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabab ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceel Jeedow, Ceel Tuumed iyo Sijo oo ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Tababar u Furay Saraakiil ka tirsan Hay’addaasi “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)_ Agaasimaha Guud ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col.  Maxamed Aadan Jimcaale {Koofi} ayaa tababar socon doona muddo seddex…

Wararka
December 24, 2019

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Raila Odinga

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Ra'iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Omolo Odinga.…

GudahaWararka
October 15, 2025

Maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda UNESCO oo ka wada hadlay dib usoo nooleynta goobaha taariikhiga ah ee muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa aqalka dowladda hoose kusoo dhoweeyay wafdi…

GudahaWararka
May 28, 2025

Cudurka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan+Sawirro

Jalalaqsi-(SONNA)-Afar Qof ayaa Cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyootay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, halka tiro intaa ka badanna xaaladdooda caafimaad lagula…

Wararka
February 6, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023