Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Waxqabadka dowladda Soomaaliya ee todobaadkan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Waxqabadka dowladda Soomaaliya ee todobaadkan
Wararka

Waxqabadka dowladda Soomaaliya ee todobaadkan

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 17, 2023
6 Min Read
Share

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Dooxa kulan kula yeelanaya Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhoweeyay qaraarkii Golaha Wasiirada ee maareynta hantida qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka qeybgalaya wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay shirka heerka sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhalinyarada ku booriyay inay door weyn ku yeeshaan siyaasadda dalka, xilli uu ka hadlayey munaasabadda xuska Maalinta Dhalinyarada ee 15 May.

Madaxweynaha, Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha XFS iyo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta 15 May ee dhalinyarada.

Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyey Qaraarka Adkeynta Hufnaanta Maareynta Maaliyadda ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabi Barre ayaa kulan sagootin ah la qaatey Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo waqtigii uu dalka ka hawlgalayey uu soo dhammaadey.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo booqasho ay ku qiimeyneyso khasaaraha fatahaadda Wabiga Shabeelle ku tagtey magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbheho uga warbixiyay xaaladda siyaasadda, amniga, xasilinta, barnaamijyada horumarinta iyo fatahaadihii Webiga Shabeelle iyo dhibaatooyinka ay geysteen.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daahfuray barnaamijka hannaanka hubinta tayada badeecadaha oo lagu hubinayo tayadooda ka hor inta aanay dalka soo galin.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka u sharaxay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska iyo hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac u geystey xubno ka tirsan Khawaarijta Al Shabab, kadib weerar ay ku qaadeen goobo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanaysay oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen in ka 44 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabab kuwaas oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Sacuudi Caraabiya ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Sanduuqa ku leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dagaalka lagula jiro musuqmaasuga, lana qaadayo talaabooyin adag oo dalka looga suulinayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay dafiirka cusub ee Dowladda Britain u soo magacawdey Soomaaliya, Amb. Michael Nithavrianakis.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dalka Switzerland kaga qeyb galay shir la xariira sidii xal loogu heli lahaa dadka ay abaaraha, colaadaha iyo cunto yarida barakaciso.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay la fuliyeen Degmada Aw Dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Alshabaab.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda nootaayada dufcadda saddexaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Garyaqaan Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay heshiis iskaashi farsamo ee saddex-geesood oo ka dhexeeya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Hay’adda Horumarinta INTOSAI (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla Ingiriisiga (AFROSAI-E).

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soo Galootiga iyo Xuquuqda Caruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo Sweden kaga qeybgashey shir looga hadlayey tahriibka oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Yurub.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE taas oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey furista xuduudda labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dal sida ganacsiga, iskaashiga amniga iyo duulimaadyada.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdirizak Omar Mohamed oo London uga qeybgalaya Shirka Tamarta iyo shidaalka Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo ka qeybgalaya hordhaca Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Cusub Ee Dowlad Goboleedka Puntland

Muqdisho (SONNA):- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u direysa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar…

GudahaWararka
January 8, 2024

Booliska Degmada Howlwadaag Oo Gacanta Ku Dhigay Guri Lagu Beeray Xashiish Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa

Ciidamada Booliska Saldhigga Dagmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir ayaa howlgal ay caawa ka sameeyeen xaafadda Tookiyo ee Dagamada Howlwadaag kadib…

GudahaWararka
January 8, 2022

Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta XFS oo Kulan la qaatay Duqa Magaalada Seatte ee Dalka Mareykanka

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo maalmahaan ku sugnaa…

Gudaha
October 11, 2024

Gobolka Banaadir oo lagu qabtay munasabad xil wareejin ah

Muqdisho.(SONNA)...Musaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay agaasimaha cusub ee waaxda waxbarashada Gobolka…

Wararka
January 19, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023