Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Todobaadlaha ah ee dowladda Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Todobaadlaha ah ee dowladda Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Todobaadlaha ah ee dowladda Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 10, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho, Khamiis, 10-ka October 2024

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara wadahadal kula leh Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki oo ay ka wadahadlayaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.

2-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulankaย  Golaha Wadatashiga Qaran oo weli ka socda magaalada Muqdisho.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tababarย  heerkiisu sareeyo u soo xiray ilaa iyo 350 sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Mudane Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo ka tirsanaa Golihii Wasiirrada ee Dowladdii Milateriga.

5-Raโ€™iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka uga warbixiyay shirka Gilaha Wadatashiga Qaranka iyo guulaha laga gaarey. Waxaana uu xusay in shirka looga dooday ajendayaal muhiim ah, sida dardar gelinta la dagaallanka khawaariijta, xoreynta dalka, dib-u-heshiisiinta, iyo arrimaha doorashooyinka.

6-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka Badmaal, oo diiradda saaraya taageeridda bulshooyinka xeebaha iyo horumarinta maareynta kalluumeysiga ee guud ahaan dalka.

7-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku talagalka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025-ka.

8-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ay uga bilaabatey dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

9-Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo tabashooyin kale oo ay qabeen.

10-Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa daahfurey deeq waxbarasho oo gudaha dalka oo ay siineyso 250 arday ee kaalimaha hore ka galey imtixaanka dugsiyada sare.

11-Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudaneย  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigayay wejiga 1-aad ee daraasadda naqshadeynta Biyo Mareenada magaalada Muqdisho.

12-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Cuntada Adduunka WFP ee Soomaaliya Mudane El-Khidir Daloum

13-Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

14-Soomaaliya oo deeq waxbarasho siinaysa 100 arday oo ka kala socda Sudan, Yemen iyo Suuriya.

15-Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo la kulmay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka

16-Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Muqdisho ku qabarey kulan wadatashi oo looga hadlayey dardargelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran ee 2025-2029.

17-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa u soo xiray tababar la xariiro diblomaasiyada 12 safiir iyo 21 sarkaal oo ka shaqeeya arrimaha diblomaasiyada.

18-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo cambaareeyay soo gelinta hubkaa sharcidarda ah ee ka imaanaya Ethiopia, isagoo xusay in dowladdu ay tallaabooyin adag qaadayso si Iooga hortago arrimahan oo loo ilaaliyo madaxbanaanidda Soomaaliya.

19-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaaย  faahfaahiyay qorshaha howlgalka gaba-gabada ah ee ATMIลž, isagoo xusay in Ciimada XDS ay kala wareegeen ciidamada ATMIลž in ka badan 27 goobood.

20-Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa magaalada Minneapolis ugu qeyb galay shir sanadeedka Dhaqanka iyo Hiddaha Soomaalida Mareykanka.

21-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay 24 dhalinyaro ah oo qalqal ku hayay shacabka iyo amniga magaalada Muqdisho.

22-Wasiiru Dowlaha Gaashandhigga Mudane Cumar Cali Cabdi ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Heeganka Bariga Africa Paul Kahuria Njema, iyagoo ka wadahadley xoojinta amniga gobolka iyo halista argagixisada.

23-Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed Xasan Maxamed Bulaale ayaa kulan is xog-wareysi ah la yeeshay bahda caafimaadka ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

24-Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta ayaa kulamo la yeeshay Xildhibaan Ilhaan Cumar, La-Taliye Sare Xamsa Warfa aiyo Naadiya Maxamed oo ah Duqa magaalada St, Luis Park ee gobolka Minnesota.

25-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa kulan la qaatey Danjiraha Djibouti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

26-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Ururka Heeganka Barriga Africa, Paul Kahuria Njema oo ay ka wadahadleen amniga gobolka, khatarta argagixisada iyo arrimo kale.

27-Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay La-Taliyaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee safaarada Mareykanka ee Soomaaliya Flannery Robert.

28-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan

Cabdulaahi ayaa kormeeray Xarunta Laanta Dhexe ee llaalinta Canshuuraha Booliiska Soomaaliyeed.

29-Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa ku dhowaad 60 xubnood oo ka tirsan argagixisada Khawaarijta Al Shabab ku dilay hawlgalo ka dhacay gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Dhexe.

30-Ciidamada Qalabka Sida ayaa hawlgalo ka fuliyay degmada Ceel-dheer ee Gobalka Galguduud, iyagoo halkaas ku dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Adeeg caafimaad oo la gaarsiinayo deegaanada laga saaray Khawaarijta

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowlladdaFS ayaa maanta daawo iyo qalab caafimaad oo kala duwan oo loogu talogalay…

GudahaWararka
February 24, 2025

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray degmada Hobyo

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo hoggaaminaya wafdi sare ayaa galabta gaaray degmada Hobyo ee Glgobolka Mudug. Wafdiga…

GudahaWararka
December 8, 2023

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo daah-furay Barnaamijka dalkaaga ugu hiili hal Dollar

Muqdisho(SONNA):-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay barnaamijka dalkaaga ugu hiili hal Dollar oo…

GudahaWararka
October 23, 2023

Howlgal ka dhacay Mudug oo lagu khaarajiyay 4 khawaarij ah

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidanka deegaanka ayaa weerar ku qaaday magaalada Camaara ee gobolka Mudug howlgalkaasi oo ay ku…

GudahaWararka
January 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023