Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

By Kulane
Last updated: May 9, 2025
7 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…1.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo socday muddo laba maalmood ah.

2.War Murtiyeed ka ka kooban 10 qodob oo laga soo saaray Shirka Golaha Wadatshiga Qaranka, kuwaas oo diiradda saaray u midoobidda dagaalka argagixisada, dardar gelinta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, aqoonsiga SSC Khaatumo, iyo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka soo talo bixiso sida laga yeelayo xaaladda sharci ee Dowlad Goboleedka Jubbaland

3.Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kulan la yeeshay General Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ayagoo ka wada hadlay  dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xoojinta isku-duwidda hawlgallada la xiriira iskaashiga ballaaran oo ay qeybta ka yihiin AUSSOM.

4.Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Allah ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

5.Ra’iisul Wasaare  Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha, isagoo sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay dhiirigelinta wax soo-saarka gudaha oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro isku-filnaansho cunto.

6.Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax  oo ka mid ahaa Ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

7.Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa furay adeegga kaabayaasha dhijitaalka ee Hay’adda Aqoonsiga  ee NIRA.

8.Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo  Algeria uga soo qeyb galay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta.

9.Guddoomiyaha Golaha Shacabka   Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan magaalada Algiers kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Aljeeriya Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta.

10.Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali oo la kulmay   Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya   Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiye ka dhaxeeya.

11.Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ka wada diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka caasimadda, iyaga oo isku diyaarinaya u gudbidda ka bilaabidda diiwaan galinta degmooyinka gobollada dalka oo ay ugu horeeyaan xarumaha dowlad goboleedyada.

12.Wasiirka Gaashaandhigga  Axmed Macallin Fiqi   ayaa  la kulmay Danjire Harriet Mathews oo ah Agaasimaha Guud ee Dowladda Britain Arrimaha Afrika.

13.Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay  Wasiirka Shaqada ee Qadar Cali bin Samikh Al-Marri , iyagoo ka wadahadley xoojinta wadashaqeynta ee  labada dal   ee ku aaddan arrimaha shaqada, horumarinta goobaha shaqada, ballaarinta tababarada iyo kor u qaadista fursadaha shaqada.

14.Wasiirka  Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Daa’uud Aweys Jaamac oo  Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda ugu hambalyeeyey  dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta guud ayaa bogaadiyeey kaalinta ay warbaahinta iyo suxufiyiinta ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada ee ka hortagga fikradaha xaqjirnimo iyo nabad-dhiska.

15.Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xasan Aadan  ayaa la kulmay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.,iyagoo ka wada hadlay sidii taageero buuxda looga heli lahaa kalluumeysatada.

16.Wasiirka Arrimaha Dibadda  Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khadka  telefonka kula hadley Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, Danjire Hussein Al-Amin, isagoo adkeeyay mowfiqka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ee taageeridda,nabadda iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Suudaan.

17.Wasiirka Gaashaandhigga  Axmed Macallin Fiqi ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyey jab xooggan  oo 30 ka tirsan maliishiyada argagixisada khawaarijta  lagu dilay  deegaanada Muqluga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

18.Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhagax dhigay dib u dhiska waddo  laami  ah ee isku xiri doonta  Degmada Guriceel iyo  Dhuusamareeb, taasi oo lagu dhisayo iskaashiga maamulka iyo shacabka Galmudug.

19.Wasiirka Batroolka iyo Macdanta  Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee  Istanbul    ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto shidaalka ku jira dhulkeeda.

20.Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan iyo  Ku-Xigeenka Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Amb Maxamed Al-Mudeyri  ayaa Muqdisho ka sagootiyay gabdho mataano ah oo isaga dhaqan xubinta kaadi heysta  oo  qaliin caafimaad ah looga sameynaaya Sacuudi Caraabiya .

21.Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Asad Cabdirizaaq Maxamed oo dalka Sir Lanka ugu qeyb-galay shir looga hadlaayey horumarinta beeraha , arrimaha degaanka iyo isbeddelka cimilada ayaa kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Marwo Harini Nireka Amarasuriya.

22.Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada  ayaa soo agaasintay kulan hordhac ah oo lagu diyaarinayay ka qaybgalka Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada ee 30aad (COP30), kaas oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Belem ee dalka Brazil.

23.Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Indonesia Dr. Faysal Axmed Salaad, ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ku wareejiyey Madaxweynaha dalkaas Md Prabowo,

24.Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU)  ah la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).

25.Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan  ayaa magaalada Riyadh  kulan kula yeeshay Wasiir ku-Xigeenka Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee Boqortooyadda Sacuudiga, Mudane Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain.

26.Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  Sareeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif)  ayaa ka qeyb galay shirka booliiska dalalka ku midoobay urur-goboleedka EAPCCO, oo  lagu qabtey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiyaa.

27.Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Yuusuf Maxamed Aadan  ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Caalamiga ah ee Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada oo ka dhacay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

28.Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Aadan Geesood ayaa kulan la yeeshay Safiirka Turkiga  u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal iyo horumarinta warshadaha iyo  dhiirrigelinta maalgelinta gaar ahaan dhinaca ganacsatada Soomaaliyeed.

29.Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  Drs. Maryama Mohamed Hussein   ayaa si rasmi ah u soo xirtay   wajiga 3aad ee ololaha qaliimada carruurta ku dhasha wadna daloolka, kaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka, Isbitaalka Somali Sudanese, Hormuud Salam Foundation, Hay’adda Cuntada iyo  Isbitaalka Wadnaha ee Mogadishu Heart Center.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare oo qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Woqooyi Bari

Muqdisho (SONNA): Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta xafiiskiisa…

GudahaWararka
October 7, 2025

Bixitaaanka ATMIS kadib (WARBIXIN)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ka badan 135 ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ay ku…

GudahaMaqaallada
August 14, 2024

Wasiir dowlaha Gaashaandhiga oo qaabilay wafdi ka socda Barriga Afrika

Muqdisho(SONNA):-Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashandhigga XFS Mudane Cumar Cali Cabdi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Ururka Heeganka Barriga…

GudahaWararka
October 6, 2024

Agaasimaha guud ee Warfaafinta XFS oo London kula kulmay qaar kamid ah saxaafiyiinta

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa magaalada London ee dalka Ingiriiska kulan kula qaatay qaar…

Gudaha
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023