Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
    Bayaan ku saabsan booqashada sharci darada ah ee Israel ay ku tageen Gobolka Woqooyi Galbeed ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
    Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

By Kulane
Last updated: January 10, 2025
7 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…1- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul Iftaa, waxaana uu tilmaamay in xaruntan  noqon doonto mid bulshada u iftiimisa masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay.

2-Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad uu xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo tan Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

3-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo horumarinta Sharciga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

4-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee  Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan is-xogwaraysi ah la qaatey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

5-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka  Soomaaliya Mudane  Saalax Axmed  Jaamac ayaa kormeer ku tagay  Wasaaradaha Warfaafinta, Kalluumaysiga, Qoyska iyo xuquuqul insaanka ,Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka  iyo  Xafiiska Hantidhowrka  Guud ee Qaranka, halkaas oo lagu siiyay warbixino la xiriira shaqada hay’adahaasi.

6-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday musharaxnimadeeda Kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) ee muddo-xileedka 2025–2028-ka.

7-Wasiirka Arrimaha DIbedda Danjire Axmed Maccalin Fiqi ayaa gaaray Magaalada Kampala ee dalka Uganda halkaas uu ugu qeybaglayo Shir Madaxeedka Gaar ah ee Midowga Afrika ee looga hadlayo Barnaamijka Horumarinta Beeraha ee Qorshaha Guud ee Afrika (CAADP)

8-Wasaaradda Beeraha ayaa   kulan dood ah Muqdisho ugu qabatay  qaar ka mid ah dhallinyarada leh hal-abuurka ganacsiga ee beeraha.

9-Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dahir Shire ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan oo looga hadlayay sugidda ammaanka  magaaloyiinka gobolka uu ka kooban yahay.

10- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali- Xoosh  ayaa booqasho ku tagay Xarunta Hay’adda  SoDMA, waxaana uu bogaadiyay shaqada ay u  hayso dadka ay waxyeellada ka soo gaareen abaaraha iyo fatahaadaha.

11- Wasiirka Arrimaha Dibedda Danjire Axmed Macallin Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday safaaradda Hindiya ee Nairobi ayaa kala hadlay  sidii  warqadaha dal ku galka loogu fududeyn lahaa shacabka Soomaaliyeed ee caafimaadka u tago dalka Hindiya.

12- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre ayaa u magacaabay  Maxamed Saciid Cali inuu noqda Guddoomiyaha Ku-Meel Gaarka ah ee Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaliyeed.

13- Wasiirka Degaanka iyo Isbeddalka Cimilada   Bashiir Maxamed Cabdi  ayaa Warbixinno ku sabsaan Fatahaada iyo Isbeddelka Cimilada  ka dhageystay    Guddoomiyaha Hay’adda  SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle.

14- Wasiirka Batroolka Daahir Shire, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa magaalada Beled Weyne uga qaybgalay  salaada janaasada askartii ka tirsaneyd Ciidanka Xoogga Dalka ee dhawaan lagu dilay degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

15- Ggudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Maxamed Axmed Amiir ayaa shir guddoomiyay kulanka amniga caasimadda  oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

16- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka  ayaa si  rasmi ah ugu dhawaaqday  qiimaha lacagta  Xajka sanadkan lagu tagaaya oo gaareysa 4,604 ( Afar kun lix boqol iyo afar dollar).

17- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka  Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socday Qaramada Midoobay oo uu horkacayay Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee dhinaca gargaarka George Conway.

18- Agaasimaha Guud ee Hay’adda   Socdaalka iyo Jinsiyadda  Mustafa Dhuhulow ayaa kulan la yeeshay diblumaasiyiin ka socotay Safaarradda Hindiya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

19- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulamo la yeeshay Danjireyaasha dalalka Mareykanka, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa u hambalyeeyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA oo u dabaaldegtay sannad-guuradeedii 61-aad oo ku beegnayd 5-ta January.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca ee Masar AbdulMajir Saqr.

22- Qaar kamid ah culumada diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa baaq nabadeed u jeediyay beelaha walaalaha ah ee dhawaan dagaalo ku dhexmartay qeybo ka mid ah dalka.

23- Heshiis horudhac ah oo laga gaarey colaad u dhexyesay laba beelood oo dhawaan uu dagaal hubeysan ku dhex marey Gobolka Mudug.

24- Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Cirka ee ee Maraykanka oo ka dhacay deegaanka Beexaani  ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta .

25- Wasiir Ku-Xigeenka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa magaalada Kuwait kaga qeybgakey Shirka Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (Arab Planning Institute) ee 2025-ka.

26- Guddoomiyaha Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xassan ayaa ka warbixiyay qorshaha guddiga ee qabsoomidda doorashooyinka dalka.

27- Wasiirka Beeraha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada Kampala  ee dalka Uganda kaga qeyb galay shir looga hadlayay istaraatiijiyada Beeraha dalalka Midowga Afrika.

28- Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan la yeelatey Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

29- Ciidanka Xoogga  Dalka iyo kuwa degaanka ayaa hawlgalo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta ka wada degaanno hoostaga degmooyinka Buulaburde iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan.

30- Qaar ka mid ah haweenka ururrada bulshada rayidka ayaa dowladda ku taageeray in guriga Hooyooyinka lagu wareejiyo Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

31- Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlay, daah-furnaanta maaliyadeed ee hay’adaha dowladda, Shirkan waxaa ka soo qeybgaley Hantidhowraha Guud ee Qaranka iyo  Agaasimayaasha Guud ee hay’adaha dowladda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo u ambabaxay Kenya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda…

GudahaWararka
May 28, 2024

Maleeshiyada Al-shabaab oo dad shacab ah oo isku qoys ahaa ku xasuuqday Xudur

Xudur (SONNA)- Maleeshiyada xagjir ah ee Al-shabaab ayaa xalay saq dhexe weerar gardarro ah ku qaaday qoys Soomaaliyeed oo si…

GudahaWararka
November 27, 2020

Madaxweynaha Uganda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya 

Kampala (SONNA): Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doonta Uganda ayaa maanta si rasmi…

GudahaWararka
February 18, 2025

Mas’uuliyiin iyo odayaal dhaqameed lala xiriirinayo Dhacdadii Ceelbaraf oo la soo xiray

Muqdisho.(SONNA);- Wixii ka dambeeyay dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday deegaanno hoostaga degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa…

GudahaWararka
December 28, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023