Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka  Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka  Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka  Soomaaliya

By Kulane
Last updated: December 6, 2024
5 Min Read
Share

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir degdeg ah oo ku saabsanaa la dagaalanka maalgelinta argagixisada.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo lagu qabtey magaalada Arusha.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo kala duwan kula yeeshay magaalada Arusha qaar ka mid ah madaxda Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi u diray qoyska iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Senator Maxamed Cali Yusuf Gaagaab.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u magacaabey Marwo Hani Cabdi Gaas inay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee naafada, isagoo xusay muhiimadda ay dowladda siineyso daryeelka iyo xaqiijinta xuquuqda dadka naafada ah.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku dhawaad laba bilood ka socday Magaalada Muqdisho.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

10-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somali Internet Governance Forum).

11-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa nasiib darro ku tilmaamey in maamulka Jubbaland uu isku dayayo hurinta colaado iyo weeraro lagu beegsado Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose.

12-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabinayeen arday dhameysatey waxbarashada heerka labaad ee takhasuska isku-dhafka maareynta kheyraadka biyaha.

13-Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada uu ka geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

14-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

15-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka warbaahinta iyo maareynta shirarka dowladda u furay 40 xubnood oo ka socday xafiisyada xiriirka warbaahinta iyo dadweynaha ee hay’adaha Dowladda Federaalka.

16-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga ka Hortagga Lacag Dhaqista iyo La-dagaalanka Maalgalinta Argagixisada oo lagu qabtay Muqdishu.

17-Wasiirka Amniga Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa magaalada Belgrade kaga qeybgaley kulamo la xiriira arrimaha amniga iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia.

18-Wasiirka Hawlaha Guud Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda TIS Plus.

19-Kulan dadweyne oo looga hadlayey dhameystirka iyo dib u eegista dastuurka oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

20-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis dowladda Faransiska ay ugu cafineyso Soomaaliya deyn qiimaheedu gaareyso 145.6 milyan oo doolaar ah.

21-Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Khadija Mohamed Almakhzoumi iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha Xasan Xuseen Maxamed yaa ka qeyb galay shirka caalamiga ah ee COP16, oo sanadkan lagu qabtay magaalada Riyad.

22-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ka qeybgaley xafladda daahfurka Xarunta Badbaadada iyo Samatabixinta ee dhibaatooynka ka dhaca badaha Soomaaliya.

23-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa doortay hoggaankiisa iyadoo Cabdikariim Axmed Xasan noqonayo guddoomiye, halka Saadaq Abshir Garaad uu ka noqonayo ku xigeen.

24-Ciidamada Qalabka Sida ayaa dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab, kadib hawlgal ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Dhexe.

25-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh (Fartaag), ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Swizerland u fadhiya Soomaaliya, Mirko Giuliette, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga  dhinacyada kala duwan ee labada dal.

26-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in Ciidamada Badda ay si rasmi ah ula wareegeen amniga biyaha iyo dekedaha Soomaaliya.

27-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah uu la qaatay saaxibadda caalamka loogana hadlayay iskaashiga arrimaha amniga.

28-Shir Cilmiyeedkii 1aad ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

29-Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay in ka badan 160 qof oo laga soo badbaadiyay xabsiyada dalka Libya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Kenya

Muqdisho(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar ugu baxay Dalka Kenya, kadib markii uu Casuumaad…

GudahaWararka
August 10, 2021

Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland oo gaaray deegaanka Janaay Cabdalle oo laga xorreeyay Khawaarijta

Muqdisho (SONNA) Madaxweyne ku xigeenka 2-aad Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray jiida hore ee…

GudahaWararka
January 28, 2023

Wasiirka Gaadiidka XFS oo Xafiiskeeda ku qaabbishay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS. Marwo Fardowsa Osmaan Cigaal ayaa Xafiiska Wasaaradda ku qaabishay Safiirka Dowladda Talyaaniga Ee Soomaaliya…

GudahaWararka
June 11, 2024

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo shir-guddoomiyay kullanka Guddiga joogtada ah

Muqdisho,(SONNNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka 24-aad…

GudahaWararka
July 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023