Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 12, 2023
8 Min Read
Share

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku shir guddoominaya shir wadatashi oo ay ka soo qeybgelayaan madaxda hadda talada haysa iyo kuwii hore.

2- Raโ€™isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada, amniga iyo hormarinta dalka.

3- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad uu ku sharaxay xaaladda dalka iyo muhimadda taageerada dowlad dhiska Soomaaliyeed ka jeediyay Xarunta Degmada Yaaqshiidka oo lagu qabtey munaasabad loogu mahad celiyay guddigii ka shaqeynayay munaasabadaha toddobaadka xorriyadda dalka.

4- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo taageeray dadaalada ay wadaan odayaashaย  dhaqanka ee Puntland ee la xiriira xal u helista xurgufta siyaasadeed ee dhowaan halkaasi ka dhacdey.

5- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulan ballaaran oo looga hadlayey u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC).

6- Raโ€iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ku baaqey muhiimad siinta xuquuqda Shacabka Soomaaliyeed ee helidda biyo nadiif ah iyo koronto jaban.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirada, isagoo wasiiro cusub u magacaabey wasaaradaha Maaliyadda, iyo Shaqada iyo Shaqaalaha.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo ka soo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhexmarey Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada .

9- Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah.

10- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud oo shaaciyay liiska 18- qof oo isugu jira masโ€™uuliyiin iyo hawl-wadeeno ka tirsan hayโ€™adaha dowladda oo loo haysto eedaymo musuq maasuq, qaarkoodna ay baxsad ka yihiin caddaaladda.

11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac oo Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha Qurba Joogta Soomaaliyeed.

12-ย  Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku biiraya jiidaha hore ee dagaalka ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan wadareedka farsamo ee dhaqan gelinta heshiiska Golaha Wadatashiga ee Hannaanka Doorashooyinka Qaran.

14-ย  Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daauud Aweys oo ka qeyb galay dood lagu qabtay Twitter Space-ka Telefashinka Qaranka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay in ay soo ceshato doorkii ay ku lahayd siyaasadda gobolka iyo xoojinta siyaasadda arrimaha dibedda.

15-ย  Wasiirkaย  Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa kormeeray xarunta Akademiyadda Generaal Kaahiye oo ay ka socoto sixidda imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare, sannad dugsiyeedka 2022/2023.

16-ย  Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Eng. Cabdiraxmaan bin Cabdulmuxsin Al-Fadhly.

17-ย  Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Dr Maxamed Cali Doodishe ayaa Mudane Axmed Siciid Maxamed u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

18- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan kaga qaybgalay shirka Ururka Dalalka Dhexdhexaadka ee (Non-Aligned Movement).

19- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in ciidanka qaranku si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

20- Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyahaย  Soomaaliya oo kaashanaysa hayโ€™adda UNDP iyo hayโ€™adda horumarinta caalamiga ah ee Sweden (SIDA) ayaa ka hirgelisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxbarashada heerka 2-aad ee takahsuska isku-dhafka maareynta kheyraadka biyaha (Master of Science in Integrated Water Resources Management) oo ah takhasuskii u horeeyey ee noociisa ah oo Soomaaliya laga hirgeliyo.

21- Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo xaqiijiyey in 40 eedaysane loo qabtay eedo la xiriira musuqmaasuq.

22- Taliyaha Hayโ€™adda Sirdoonka Kenya Mudane Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa Muqdisho yimid kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Soomaaliya Mudane Mahadย  Maxamed Salaad, si ay uga wada hadlaan iskaashiga labada dal ee dhinaca sirdoonka iyo la dagaalanka Khawaarijta Al Shabab.

23- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Muqdisho ka hirgalisay xarun lagula tacaalayo cudurka cagaarshowga.

24- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Hayโ€™adda Bisha Cas ee Turkiga.

25- Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka oo talo-bixin dadweyne gelineysa qabyo-qoraalka qorshaha hayโ€™adda ee 2023-2027.

26-ย  Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab hawlgal ka dhacay deegaanka Welmarowย  ee Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

27-ย  Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya ee Gorgor ayaa burburiyay fariisimo ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaano hoos taga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

28- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay degaano isku xira gobollada Banaadir, Shabeellahe Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

29-ย  Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo ciidanka degaanka Bajeela ayaa duleedka degaanka Baraag-Ciise ku dilay xubin ka mid ah maleeshiyaadkaย  Khawaarijta halka mid kalenaย  nolasha lagu soo qabtay.

30-ย  Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal lagu baacsanayo firxadka khawaarijta ka sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose,gaar ahaan degaanada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo.

31- Ciidamada ATMIS ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degaanka Baladul-Amiin ayaa dilay xubno ka mid ah kooxaha Khawaarijta oo doonayey inay weerar gaadmo ah halkaasi ka geystaan.

32- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalย  amni oo lagu baacsanayo Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay inta u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Kismaayo.

33- Awoodda Khawaarijta Al Shabab ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose oo si weyn loo wiiqay muddadii sannadka ahayd ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga weerarada isdaba jooga ku wadeen Khawaarijta. Hawlgaladaasi Shabeellaha Hoose waxaa Khawaarijta looga dilay 800 oo maleeshiyaad, kuwo kale oo badanna waa lagu dhaawacay

34- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo fadhigooda yahay degaanka Danoow ayaaย  fashiliyay weerar ay Khawaarijta Al Shabab damacsanayeen inay ka fuliyaan degaannadda Kabtaanka,Waagade iyo Seddax Buundo oo ka tirsan Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

35 ruux oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Sacuudi Carabiya

35-ruux ayaa dhimatay ,afar kalana waxaaย  soo gaaray dhaawacyo kadib kolkii gaari Bas ah oo siday dad rakaab ah oo…

CaalamkaWararka
October 17, 2019

Shaqaalaha Caafimaadka Ee Dalka Suuriya Oo U Dhimanaya COVID-19

Muqdisho (SONNA)-Heyโ€™adda xuquuqda aadnaha ee Human rights watch ayaa maanta sheegtay in shaqaalaha caafimaadka dalka Suuriya ay u dhimanayaan cudurka…

CaalamkaWararka
September 2, 2020

Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya iyoย  Guddiga la socodka Dastuurka BJFS kulan ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegsita iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddiga la socodka iyo hirgelinta Dastuurka ee BJFS ayaa…

GudahaWararka
December 3, 2023

Guddoomiye sheekh Aadan oo qaabilay danjiraha dalka taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu…

Wararka
March 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023