Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 2, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):  1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga, dimoqraadiyadda iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Beeraha Soomaaliya.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daah-furay shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo diiradda lagu saaray maalgashig, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo la wadaagay xaaladda dalka, guulaha dowlad dhiska, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ka hadlay horurmarka geediga dowlad dhiska Soomaaliya iyo xad gudubka xukuumadda Itoobiya ee madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, waxaana wadahadalkooda diiradda lagu saarey xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika.

10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Istanbul ku soo xiray Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed, waxaana uu ammaaney doorka qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay madal looga hadlayay horumarka dhaqaalaha iyo maalgelinta mustaqbalka Afrika oo ay soo qaban qaabisay hay’adda horumarinta Caalamiga ah ( IDA).

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi oo ka dhacdey magaalada Muqdisho.

14- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo xiray shirka Midowga Bangiyada Soomaaliya oo muddo laba maalmood ah socday.

15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ala’a Nemer oo ah u qeybsanaha Soomaaliya ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda UNOPS iyo Venelin Rengelov oo ah madaxa qeybta taageerada ee UNOPS.

16- Guddoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yusuf Ahmed ayaa magaaladda Kampala uga qeybgalaya shirka Madaxda Garsoorka dalalka Bartamaha, Bariga iyo Koofurta Afrika.

17- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo dalka Azerbaijan uga qayb galay sanad guuradii 5-aad ee Bandhigga Difaaca “ADEX”, oo ka dhacay magaalada Baku, Bandhiggan ayaa diiradda lagu saaray horumarka tiknolojiyada difaaca ee dalalka caalamka.

18- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Shiikh Cabdulqaadir, ayaa daah-furay imtixaanka gelitaanka Jaamacadda Ummadda oo ay u fadhiisteen arday ku dhow 4000 oo arday.

19- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis gaaraya $68.5 milyan oo dollar kula saxiixatay Dowladda Mareykanka.

20- Wasiirka Arimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Hakan Fidan, waxayna ka wadahadleen ka miradhalinta wada-hadallada Ankara iyo xoojinta xiriirka labada dal.

21- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms. Karin Johansson, iyagoo ka wadahadley hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

22- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al Makhzoumi, ayaa ka qeybgashay shir looga hadlayey yoolka cusub ee Miisaaniyadda Cimilada oo ka dhacay magaalada New York.

23- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cali Cumar ayaa ka qeybgalay shirka wasiiradda isbaheysiga caalamiga ee la dagaalanka ISIS oo ka dhacay magaalada Washington.

24- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qeybgaley xaflad lagu dhaarinaayeey saraakiil Leyli-Sarkaal iyo Furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2024/2025 oo ka dhacdey Kuliyadda Tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom ee magaalada Muqdisho.

25- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa soo xiray tartan Qur’aanka Kariimka ah oo loo qabtay qaar kamid ah saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka dhacaya Muqdisho.

26- Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mudane Siciid Maxamed Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyeynta ee Masar Injineer Sherif El-Sherbiny iyagoo ka wadahadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.

27- Taliyaha Cuusb ee Ciidanka Booliska S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa kulan la qaatay Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya Amb. Joachim Waern, iyagoo ka wadahadley xoojinta amniga iyo la-dagaallanka Khawaarijta.

28- Mid ka mid ah xubnaha Khawaarijta, Qaasim Axmed Dhuxul Geesey ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

===DHAMMAAD====

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirkadda diyaaradaha Dalka Rwanda oo duulimaadyo toos ah ka bilaabeyso dalal ay Soomaaliya ka midtahay

Muqdisho (SONNA)-Baarlamaanka dalka Rwanda ayaa ansixiyay heshiis ay diyaarada Rwanda Air ugu duuleyso shan dal oo ay Soomaaliya ku jirto.…

Wararka
November 19, 2020

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Masar

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Abdel Fattah El- Sisi ayaa kulan miradhal…

GudahaWararka
January 21, 2024

Dhallinyarro xuska todobaadka xoriyadda ku dhigay garoonka cayaaraha Dhuusamareeb“SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Dhallinyarada Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa galabta isugu tagey garoonka cayaaraha, halkaa oo…

GudahaWararka
June 25, 2021

6 ruux oo ku dhintay qarax ka dhacay Afghanistan

Lix ka mid ah ciidamada Police-ka Afghanistaan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay gobalka Herat ee galbeedka dalkaas. Guddoomiyaha gobalka…

Caalamka
March 22, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023