Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 2, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):ย  1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga, dimoqraadiyadda iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Beeraha Soomaaliya.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daah-furay shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo diiradda lagu saaray maalgashig, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo la wadaagay xaaladda dalka, guulaha dowlad dhiska, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

5-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ka hadlay horurmarka geediga dowlad dhiska Soomaaliya iyo xad gudubka xukuumadda Itoobiya ee madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

6-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

7-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, waxaana wadahadalkooda diiradda lagu saarey xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

8-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman.

9-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika.

10-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Istanbul ku soo xiray Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed, waxaana uu ammaaney doorka qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

11- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan.

12- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay madal looga hadlayay horumarka dhaqaalaha iyo maalgelinta mustaqbalka Afrika oo ay soo qaban qaabisay hayโ€™adda horumarinta Caalamiga ah ( IDA).

13- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi oo ka dhacdey magaalada Muqdisho.

14- Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo xiray shirka Midowga Bangiyada Soomaaliya oo muddo laba maalmood ah socday.

15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Alaโ€™a Nemer oo ah u qeybsanaha Soomaaliya ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda UNOPS iyo Venelin Rengelov oo ah madaxa qeybta taageerada ee UNOPS.

16- Guddoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yusuf Ahmed ayaa magaaladda Kampala uga qeybgalaya shirka Madaxda Garsoorka dalalka Bartamaha, Bariga iyo Koofurta Afrika.

17- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo dalka Azerbaijan uga qayb galay sanad guuradii 5-aad ee Bandhigga Difaaca โ€œADEXโ€, oo ka dhacay magaalada Baku, Bandhiggan ayaa diiradda lagu saaray horumarka tiknolojiyada difaaca ee dalalka caalamka.

18- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Shiikh Cabdulqaadir, ayaa daah-furay imtixaanka gelitaanka Jaamacadda Ummadda oo ay u fadhiisteen arday ku dhow 4000 oo arday.

19- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis gaaraya $68.5 milyan oo dollar kula saxiixatay Dowladda Mareykanka.

20- Wasiirka Arimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Hakan Fidan, waxayna ka wadahadleen ka miradhalinta wada-hadallada Ankara iyo xoojinta xiriirka labada dal.

21- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms. Karin Johansson, iyagoo ka wadahadley hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

22- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al Makhzoumi, ayaa ka qeybgashay shir looga hadlayey yoolka cusub ee Miisaaniyadda Cimilada oo ka dhacay magaalada New York.

23- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cali Cumar ayaa ka qeybgalay shirka wasiiradda isbaheysiga caalamiga ee la dagaalanka ISIS oo ka dhacay magaalada Washington.

24- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qeybgaley xaflad lagu dhaarinaayeey saraakiil Leyli-Sarkaal iyo Furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2024/2025 oo ka dhacdey Kuliyadda Tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom ee magaalada Muqdisho.

25- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa soo xiray tartan Qurโ€™aanka Kariimka ah oo loo qabtay qaar kamid ah saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka dhacaya Muqdisho.

26- Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mudane Siciid Maxamed Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyeynta ee Masar Injineer Sherif El-Sherbiny iyagoo ka wadahadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.

27- Taliyaha Cuusb ee Ciidanka Booliska S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa kulan la qaatay Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya Amb. Joachim Waern, iyagoo ka wadahadley xoojinta amniga iyo la-dagaallanka Khawaarijta.

28- Mid ka mid ah xubnaha Khawaarijta, Qaasim Axmed Dhuxul Geesey ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

===DHAMMAAD====

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada DF oo si buuxda ula wareegay degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud

Muqdisho.(SONNA):- Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta si buuxda ula wareegay degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud, halkaas…

GudahaWararka
January 1, 2023

Galmudug oo daahfurtay olalaha 16-ka maalmood ee wacyi galinta ka hortagga tacaddiyada Haweenka+Sawirro

Gaalkacyo-(SONNA)-Wasaaradda Haweenkaย  Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay olalaha16-ka maalmood ee wacyi galinta ka hortagga tacaddiyada Haweenka…

GudahaWararka
December 2, 2021

Raโ€™iisul wasaare Xamse oo kormeeray garoonka Aaden Cadde

Muqdisho (SONNA): Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay…

GudahaWararka
September 16, 2025

Dowladda FS oo war ka soo saartay hadalkii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA) Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad ula yaabtay hadalkii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray Mudane Shariif…

Wararka
November 11, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023