Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 15, 2024
7 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadli doono arrimaha dhameystirka dastuurka iyo dardar gelinta dagaalka looga soo horjeedoo Khawaarijta Al Shabab.

2- Madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed xuska sannad guurada 81aad ee ka soo wareegtay asaaskii Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL ee kaalinta weyn ka qaatey dhaqdhaqaaqa xornimadoonka Soomaaliya.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale si qoto dheer kaga hadlay dhameystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta Kaydka Gaaska Cuntada oo ganacsato ay ka hirgelisay magaalada Muqdisho.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, isagoo kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qeyb ka ah kulan looga hadlayey wada-hadallada Nabadda ee Jamhuuriyadda Koonfuurta Sudan oo uu shir guddoominayey Madaxwaynaha Kenya Dr. William Samoei Ruto.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

8- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu booqasho ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

9- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka qeybgelaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

10- Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya, kaasi oo uu daah-furay Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

11- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa qayb-galay shirweyne uu soo qaban-qaabiyay Midowga Africa oo ka dhacay Nairobi, kaas oo lagu lafa guray kobcinta wax soo saarka dalagga beeraha Afrika iyo horumarintiisa.

12- Shirka maalgashiga qurba-joogta soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho kaas oo diirrada lagu saaray doorka muhiimka ah ee ay ku leeyahiin maalgashiga dalka.

13- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay Fadhiga 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya magaalada Manama ee xarunta Boqortooyada Bahrain.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xiddigle Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

15- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guryeynta ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya Lionel Laurens , iyaoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga shaqo ee labada dhinac.

16- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kulan la qaatay Madaxa UN-Habitat ee Soomaaliya Sebastian May.

17- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

18- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya Mr. Chen Wendi.

19- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalay shirka Wasiirrada Beeraha Afrika, kaas oo looga hadlay caafimaadka iyo bacriminta beeraha.

20- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed si joogta ah loola wadaago xaaladaha fatahaadaha si ay uga feejignaadaan khatar ku iman karta noloshooda iyo hantidooda.

21- Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qeybgalay kulan loogu gogol-xaarayo Shir-Madaxeedka Carbeed oo ka dhacaya magaalada Manama.

22- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa qaabilay Madaxa Hayโ€™adda Qaxootiga Adduunka โ€“ UNHCR ee Sooomaaliya Md. Charles Mballa.

23- Taliyaha Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa magaalada Beledweyne kulan kula yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada reer Hiiraan.

24- Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay Is-afgarad laba-geesood ah oo u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden.

25- Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku qabtay laba nin oo watay toorreeyo iyo mooto Bajaaj, isla markaana dhac u geysanayay shacabka ku nool xaafado ka mid ah degmadaas.

26- Ciidamada Amniga ee Puntland oo hawlgallo ka sameeyey magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan kooxda argagixisada ee Al Shabab kaasi oo ku hubaysanaa walxaha qarxa.

27- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Hassan Mohamed ayaa kulan la qaadatay qaar ka mid ah hayโ€™adaha caalamiga ah ee xaquuqul insaanka, oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin daryeelka barakacayaasha iyo qaxootiga soo guryo noqday.

28- Shir-Madaxeedka 15-aad ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Banjul ee dalka Gambia. Shirkan ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo muhiim u ah Soomaaliya, iyadoo lagu diiday damaca gurracan ee dowladda ay Ethiopia oo heshiis sharcidarro ah la gaashey maamulka Somaliland ee Soomaaliya.

=======DHAMMAAD=========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliya oo kulan la yeeshay madaxda howlgalka midowga Afrika ee ATMIS

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la yeeshay madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya,( ATMS),…

GudahaWararka
July 23, 2023

Isbeddel ballaaran oo lagu sameeyay Taliyeyaasha Booliska Galmudug

Muqdisho-(SONNA)-Wareegto Maanata kasoo baxday Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa xilka looga qaaday qaar ka mid ah Saraakiisha Taliska guud ee…

Wararka
February 22, 2020

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka dhulka oo kormeeray xeryaha ciidamada ee Shabeellaha hoose

Muqdisho:(SONNA)-Taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka oo safar shaqo uga soo kicitimay magaalada Baydhabo ayaa gaaray degmada Walaweyn…

Wararka
July 1, 2020

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo doortay Guddoon cusub

SONNA (MUQDISHO)- Madasha Munaasabadda tartanka Doorashada xilka Guddoomiyaha Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa lagu qabtay gudaha hoolka shirarka ee…

GudahaWararka
January 15, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023