Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
    Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka furtay shir ay ka qeyb galayaan bulshada rayidka iyo beesha caalamka
    April 21, 2026
    Gorgor oo howlgallo qorshaysan ka fuliyey Jowhar
    April 21, 2026
    Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah
    April 20, 2026
    Safiirka JFS ee Dalka Hindiya oo la kulmay Madaxweynaha Sri Lanka
    April 20, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 1, 2024
8 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1da May hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxa Sirdoonka Turkiga Ibraahim Kalin.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shir Madaxeedka Afrika iyo Bankiga Adduunka oo ka dhacay Nairobi, halkaas oo uu ku soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maal-geliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oayaa magaalada Dar Es Salaam kaga qeybgaley xuska sannad guurada 60aad ee maalinta midnimada Jamhuuriyadda Tanzania.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa kulan miradhal ah ku yeeshay magaalada Dar Es Salaam.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku tagey Tanzania ayaa booqday Xarunta Kaydka Dawada iyo Isbitaalka Muhimbili ee magaalada Dar Es Salaam.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dar Es Salaam kulan kula yeeshay jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan dalka Tanzania.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Jasiiradda Zanzibar ee dalka Tanzania, halkaas oo uu wadahadal kula oo yeeshay Madaxweyne Hussein Ali Mwinyi.

9- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan Maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliya.

10- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa farey dhammaan hay’adaha dowladda in aan lagu qaban karin meel ka baxsan dalka shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hey’adaha dowladda.

11- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa daahfuray kulanka geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiinta Qaranka.

12- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, oo goobjoog ka ahaa dhoolatus ay soo bandhigeen ciidammo loo tababaray Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub tababarka iyo xirfadda sare ee ay bareen ciidanka, kuwaas oo loo diyaariyey in ay la wareegaan amniga xeebaha Soomaaliya..

13- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlaayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya.

14- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya u qaabilsan Geeska Afrika Mudane Vladimir Orlié.

15- Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo dalka booqasho ku yimid.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shir ku saabsan mideynta farriimaha warbaahineed ee dowladda u soo xiray madaxda xafiisyada warbaahinta ee hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

17- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Barnaamijka Xasilinta.

18- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay shirka saddex biloodlaha ah ee Madasha isku xirka hawlaha ka hortagga iyo la dagaallanka afkaarta xagjirka ah ee rabshadaha wadata, kaas oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Qaran ee Tubsan.

19- Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania.

20- Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa laga soo saaray war murtiyeed lagu bogaadiyay horumarka dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

21- Dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhowaysay war murtiyeedka Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee lagu bogaadiyay horumarka ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

22- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr Cali Xaaji Abuubakar ayaa daahfuray Mashruuca Better Lives ee horumarinta caafimaadka bulshada oo laga hirgelin doono Galmudug, Jubaland iyo Gobolka Banaadir, waxaana ka faa’iideysan doonaa ku dhawaad 1.5 million oo qof.

23- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dowladda Kenya iyo shacabkeeduba uga tacsiyaysay dadkii ku geeriyooday daadadka ka dhashay roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’ay.

24- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in todobaadyadii la soo dhaafay ay dowladda isku soo dhiibeen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta argagixisada Al Shabab.

25- Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareyneysey falkii kooxaha Khawaarijta ah ku laayeen shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud.

26- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Qaaradda Afrika.

27- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya, Lionel Laurens.

28- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socotay Booliska dalka Masar, kuwaas oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

29- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Mudane Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mudane George Conway Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee qaabilsan isku duwidda arrimaha bini’aadannimada.

30- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan is xog wareysi ah Muqdisho kula qaatay madaxda dowlad goboleedyada Galmudug ,HirShabeelle, iyo Koonfur Galbeed.

31- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaloya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira.

32- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

33- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Xildhibaan Jibril Cabdirashiid Xaaji ayaa qaabilay Wakiilka hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr. Lionel Laurens oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac, horumarinta ganacsiyada gaarka ah, shaqo abuurka iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha ee wadanka.

34- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa dalka Marroco uga qaybgalay shirka meertada 33-aad ee Wasiirrada Beeraha ee Afrika, kaas oo looga hadlay kobcinta wax soo saarka beeraha.

35- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin ayaa daah-furay mashruuc xoojinaaya isku xirka nidaamyada bixiya digniinaha halista ah ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed.

36- Taliyaha Ciidanka Dhulka General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho tababar uga furay sarakiil ka tirsan qaybaha iyo guutooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

37- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka sameeyey degaanno hoostago Degmada Buolaburte ee Gobolka Hiiraan.

38- Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ayaa booqday deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

39- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kormeeray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jisniyadda, halkaas oo uu kulamo kula qaatay agaasinka iyo hawlwadeennada hay’adda.

 

==DHAMMAAD==

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Colaad Beeleed ka jirtay Miyiga Gobolka Mudug oo lasoo Afjaray

Gaalkacyo-(SONNA)-Wax garadka iyo Salaaddiinta Gobolka Mudug ayaa ku guuleystay in ay  xal ka gaaraan colaado ku saleysan aanooyin Qabiil oo…

Wararka
November 30, 2019

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈𝐘𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐆𝐄𝐄𝐑𝐈𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐑𝐗𝐔𝐔𝐌 𝐀𝐗𝐌𝐄𝐃 𝐍𝐀𝐀𝐉𝐈 𝐒𝐀𝐂𝐀𝐃.

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada…

GudahaWararka
September 5, 2023

Ciidanka Xoogga oo Shabeellada Hoose ku dilay horjooge iyo tiro kale oo Al-shabaab ah

Ciidanka kumaandooska soomaaliya ee  danab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ayaa labo jiho ka weeraray degaanka mubaarak ee gobolka shabellada…

Wararka
September 25, 2020

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

Muqdisho(SONNA):-Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu…

GudahaWararka
January 30, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023