Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: March 20, 2024
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):  1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wadahadal kula yeeshay Asmara Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga amniga.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ka sii sagootiyay 19 ka mid dhaawacyadii weerarkii argagixiso ee ka dhacay Hotel SYL oo loo qaadey dalka Turkiga.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka.

4- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu warbixinno ku saabsan amniga dalka kaga dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha iyo taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo NISA.

6- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya Mr. Charles Mballa, iyagoo ka wadahadley xaaladda qaxootiga iyo barakaceyaasha ku nool dalka.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada dalka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi.

9- Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in 3 askari ay ku dhinteen, 27 qof oo ay ku jiraan 3 xildhibaan ay ku dhaawacmeen weerar Khawaariju ka geysteen Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho. Booliska ayaa sidoo kale toogtay 5tii dhagarqabe ee Khawaarijta ee weerarka fuliyay.

10- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa qaabbilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire, Souef Mohamed El-Amine.

11- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan oo ay lahaayeen dalalka ku bahoobay naadiga Paris Club.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Midowga Yurub kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu tala galay Guutada 14 October ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

13- In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka sida iyo saaxiibbada caalamka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

14- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay 4 horjooge oo Khawaarijta ka mid ahaa.

15- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in ciidamada ay guluf xooggan oo kama dambays ah ay ku qaadeen gobollada Shabeellooyinka iyagoo si saf ballaaran ah u wajahaya deegaannada kooban ee ay ku dhuumaalaystaan cadowga Khawaarijta Al Shabab.

16- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Masar iyo Shirkadda Diyaaradaha ee Egypt Air oo dhowaan duulimaadyo ka bilaabaysa Soomaaliya.

17- Hay’adda SoDMA ayaa markale deegaanka Garasbaaleey, degmooyinka Xamar-jajab iyo Howlwadaag waxa ay gargaar ugu qaybisay 13,900 oo qoys oo iskugu jira danyar, barakacyaal iyo kuwa naafo ah.

18- Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyey degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

19- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka Britain kaga qeyb galay shir ku saabsan sidii wadajir looga shaqayn lahaa dhisidda u adkeysiga cimilada ee xaaladaha jilicsan iyo kuwa colaaduhu saameeyeen oo ka dhacay Wilton Park.

20- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xarunta Midowga Afrika kaga qayb galay shir diiradda lagu saaray doorashada hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo dhacaysa horaanta sanadka 2025.

21- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose u dirtay doonyo sida shixnado mucaawino gargaar ah, kuwaas oo ka ambabaxay degaan xeebeedka Jasiira.

==DHAMMAAD==

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

 Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay magacaabidda Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu soo dhaweynayaa magacaabista John Dramani oo loo dhiibay xilka Wakiilka Midowga Afrika ee…

Gudaha
May 9, 2021

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay xuska maalinta nabadda adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho,(SONNA): Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa'uud Aweys Jaamac iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay xuska maalinta nabadda aduunka oo ay…

GudahaWararka
September 21, 2023

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray Dekadda Kismaayo “SAWIRRO”

Muqdisho...SONNA...Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kormeer shaqo ku tagey dekedda Kismaayo ayaa sheegay in dowladda…

GudahaWararka
July 7, 2021

Shirka Gudiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka Pan-Afrika oo lagu soo gaba gabeeyay dalka Koonfur Afrika

Muqdisho(SONNA):-Shirka Gudiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka Pan-Afrika oo lagu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika inta udhaxeesay 13-ka illaa…

GudahaWararka
September 22, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023