Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 14, 2023
7 Min Read
Share

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jabuuti ugu qeyb galay Shir Madaxaxeedkii 14-aad ee Urur Gobeleedka IGAD oo sannadkan diirradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka gobolka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatey qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ka qeybgaley Shir Madaxeedkii 14-aad ee Urur Goboleedka IGAD oo ka dhacay Djibouti.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo ay ka wadahadleen xoojinta taageerada Soomaaliya.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay General Muhoozi Kainerugaba oo ah La Taliyaha Madaxweynaha Uganda, kaas oo Muqdisho keenay dhambaal uu ka siday Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo uu wehliyo Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding , iyagoo ka wadahadley habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo la filayo inay bishan bilaabato.

6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka Gobolka Sool oo ay ka wadahadleen sidii nabad loogu soo afjari lahaa colaadda ka taagan Laas Caanood.

7- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoonsiiyey lacag dhan 20 kun oo dollar muwaadin Soomaaliyeed oo ciidanka amniga la wadaagey xog ku saabsan weerar ay argagixisadu doonayeen inay ku waxyeeleeyaan shacab.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay barnaamij waxtar u leh dhaqaalaha Soomaaliya oo ah dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya oo la geynayo Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing.

10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa  hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya waxayna ka wadahadleen xoojinta wadashaqeynta labada dhinac.,

11- Ra’iisul  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ka furay Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo shacabku cabashooyinkooda ku soo gudbin karaan, laguna xoojinaya kalsoonida shacabka.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay Xarunta Gurmadka Deg-Degga ee Isbitaalka Madiina.

13- Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka, dib-u-eegista ku- talagalka Miisaaniyadda Dowladda 2023 iyo qodobo kale oo muhiim ah.

14-  Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka ee dalka Zambia kaga qeybgaley Shir Madaxeedkii 22aad ee Suuqa Iskaashiga Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka kula kulmay jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan dalka Zambia.

16- Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista iyo La Socodka Hirgelinta Dastuurka Xildhibaan Xuseen Iidow oo uu wehliyo Xoghayaha Guddiga Senator Siciid Cabdi Xuseen {Cawke}, ayaa Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin ka guddoomay heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaad kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Sacuudiga Amiir Khalid bin Salmaan bin Cabdulcasiis .

18- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jarey xarunta labaad ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda ku yeelaneyso magaalada Kismaayo.

19- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya.

20- Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tababar ku saabsan xoojinta iyo tayeynta Afka Soomaaliga u furay qaar ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala warbaahinta qaranka.

21- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac  ayaa  Muqdisho ka furay tababar ku saabsa tebinta wararka goobaha dagaalka, oo ay ka qeybgalayaan xubno ka socday warbaahinta qaranka.

22- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac  ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar la xiriira tebinta wararka xuquuqda carruurta.

23- Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo booqatey caasimadaha dowlad goboleedyada Puntland, HirShabelle iyo Koonfuur Galbeed, wadahadalna la yeelatey hoggaanka maamuladaas.

24- Khawaarijta oo weerarey Hotel Pearl Beach oo ku yaalla Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay halkaasi ka fuliyeen hawlgal deg-deg ah oo lagu soo afjarey weerarka, soona badbaadiyay shacab badan.

25- Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Cismaan Cabdulahi Maxamuud (Kaniif), ayaa Akademiyadda Booliiska ee Jeneral Kaahiye tababar xirfadeed uga furay saraakiil ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee taraafikada.

26- Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay Tuulada Buulla Maxamed Cabdalla oo hoos tagta degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

27- Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose waxay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo uu ku jiro horjooge.

28- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa gargaar aadminimo waxa ay gaarsiisay degmada Af-Madow ee Gobolka Jubbada Hoose.

29- Shir looga hadlayo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhacaya Nairobi, waxaana ka qeybgalaya Soomaaliya, Bankiga Adduunka, Hay/adda Lacagta Adduunka iyo xubno kale.

30- Booliska Gobolka Banaadir oo soo xiray Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdullaahi Maxamed Cali oo loo haysto eedeymo la xiriira musuqmaasuq.

    

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeysay geerida fanaan ustaad Axmed Naaji Sacad

Muqdisho,(SONNA). Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiirku Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Wasaaradda Iyo shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska…

GudahaWararka
September 5, 2023

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada XFS oo shir Caalami ah kaga qeyb galay Geneva

Geneva-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee XFS , Biixi Iimaan Cige ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 111-aad ee Shirweynaha…

GudahaWararka
June 6, 2023

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman 

Muqdisho (SONNA) Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga labaad kulankiisa 10-aad ku yeeshay xarruunta Villa Hargeysa…

GudahaWararka
January 14, 2023

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne kula  kulmay odayaasha dhaqanka “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha dawlad goboleedka Hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaaladda Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay…

Wararka
July 7, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023