Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: December 6, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka uga qaadey Soomaaliya.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ku soo laabtey kadib markii uu dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga soo qeybgaley shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28).

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka isbeddelka cimilada ee COP28 ayaa soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada, gaar ahaan fatahaadaha iyo roobabka El Nino.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan guusha qaadista cunaqabataynta hubka, waxaana uu sheegay in wax badani ka tari doonto ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga dalka.

5- Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, iyo madax kale ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dalka looga qaaday cunaqabteynta hubka

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay culimada Soomaaliyeed ee magaalada Kismaayo, ayaa kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin la dagaallanka iyo fikirka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad wanaagga.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda binni’aadamnimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, waxa uu ku tagey degmada Af Madow ee gobolka Jubbada Hoose.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay dood furan oo ka dhacdey magaalada Kismaayo ayaa ka hadley waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda Dan Qaran iyo halka la hiigsanayo.
9- Shacabka magaalada Muqdisho ayaa sameeyay banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayo guusha qaranka ee qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cali Maxamed Cumar Balcad ayaa la kulmay guddiga gaarka ah ee howlgalka Nabadaynta Qaramadda Midoobey (C34) oo Muqdisho u yimid si ay ula kulmaan Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo ATMIS.

11- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa kormeeray isbadalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo hay’addu ka nadiifisay Khawaarijta dilalka iyo dhaca ku heysay ganacsatada Soomaaliyeed.

12- Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa dalka Sacuudiga wadahadal kula yeeshay mas’uuliyiinta dalkaasi.

14- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada dhoofisa kalluunka.

15- Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u Eegsita iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga la Socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ka yeeshay dardar galinya hawlaha dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Khawaarij tiradooda gaareysa 60 ku dilay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

17- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa laba doonyood waxa ay kala wareegtay Hey’adda Zamzam Foundation iyo Bankiga IBS ee Soomaaliya.

18- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka oo deeq raashin ah kala wareegtay Hay’adda Bisha Cas Turkiga.

19- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SODMA ayaa deeq gargaar ah gaarsiiyay qoysas ku sugan Lafoole oo ay soo barakiciyeen daadadka ka jira dalka.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka qayb galay shirka Axdiga ka hortagga musiibooyinka kaas oo daba socday Shirka Isbedelka Cimillada ee ka socda dalka Isutagga Imaaradka Carabta.

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

22- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka ayaa hawlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa burburiyay xarunta diiwaan gelinta Khawaarijta iyo goob ay lacago baad ah uga qaadi jireen oo ku yaallay gobolka Bay.

24- Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay magaalada Buurdhuubo ayaa howlo samata-bixin ah u sameeyay shacabka ay saameeyeen fatahaaduhu.

25- Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaano ka tirsan gobolka Baay ka sameeyey howgallo ka dhan ah Khawaarijta.

26- Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidanka deegaanka ayaa hawgalo lagu baacsanayo Khawaarijta ka fuliyay bariga Galgaduud.

=====DHAMMAAD========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Cadaaladda oo sheegay in xukuumaddani ay tahay tii ugu horreysay ee la dagaallanta khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Xasan Macallin ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay si dhab ula dagaallantay khawaarijta,…

GudahaWararka
April 2, 2025

Wasiirka Hawlaha guud XFS oo uu weheliyo Safiirka Soomaliya u fadhiyo Nairobi oo ka qayb galay shir caalami ah

Nairobi(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi,Mudane Jibriil…

GudahaWararka
May 29, 2025

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo gorsheyaasha horumarmeed ee dalka, waxay muddo toban sano ah ku howlaneed…

GudahaWararka
April 21, 2025

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Muqdisho(SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad…

GudahaWararka
June 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023