Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: November 29, 2023
8 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):  1- Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya ee 2060-ka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Arusha kaga qeybgaley shir madaxeedka 23aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

3- Soomaaliya oo si rasmi ah uga mid noqotey waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC, noqoteyna xubinta 8aad ee ururkaasi.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 1-aad ee labadda Gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu abaal marinayey guddiyada iyo sanatarrada Aqalka Sare

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo ku saabsan latashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka la yeeshay qaar ka mid ah dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

7- Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Mudane Xil.dhibaan Cumar Ibraahim Xaashi.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay baarlamanka ku xusay in dowladda ay ka go’antahay in dalka guud ahaan laga xoreeyo Khawaarijta si loo gaaro amni iyo xasilooni dhameystiran.

9- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowladda Koonfur Galbeed, si rasmi ah uga daah furay shaacinta farta rasmiga ah ee Maayga.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku tagay socdaal uu ugu kuurgalayo xaaladaha halkaasi ka jira.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay laanta Bangiga dhexe ee Soomaaliya ku yeelaneyso Kismaayo.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax-dhigay waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 4KM ah, iskuna xireysa qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, isagoo ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubbaland.

14- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

16- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

17- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday deegaanka Lugloow ee ay ku soo baraceen dadka ay guryahoodii daadadku qaadeen iyo duleedka Yoontooy oo ka mid ah meelaha ay daadadku xireen.

18- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir ku saabsan diyaargarowga arrimaha cimililada adduunka ee COP28 oo 30-ka November ka furmi doona magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka-ka Carabta.

19- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyayay Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf oo ku guuleystay billadda hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ka shaqeeyey horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda dalalkooda.

20- Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa ugu hambalyeey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ka mid noqoshada ururka oo 24kii bishan ay Soomaaliya xubin buuxda ka noqotey.

21- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo diiran oo ku ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

22- Raii’sul Wasaareyaashii hore ee dalka Md, Maxamed Xuseen Rooble, Md Cumar Cabdirashiid, iyo Md Cali Maxamed Geeddi iyo Md Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeeyey ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

23- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo faa’iidooyin dhaqaale iyo ganacsi u leeyahay Soomaaliya.

24- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa dilay lix xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta kadib hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen degaanka Budbud.

25- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa guddoonsiisay shirkadda Freedom Airlines shahaadada barnaamijka amniga (Airline Security Programe), kaddib markii ay shirkadda buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

26- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Cabdulqaadir ayaa sheegay in sanadka 2024 uu qorshahoodu yahay in tababar bilaash ah la siiyo 10 kun oo macallin si loo baahiyo waxbarashada dalka.

27- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse iyo Wasiirka Horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell ayaa kala saxiixday heshiis dhabbaha u xaaraya iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo gargaarka.

28- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis oo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya uga qeyb galay Madasha Caalamiga ee xakameynta doorka saxaafadda ee kicinta iyo fariimaha naceybka.

29- Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo kamid ah xaafadaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

30- Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kala saxeexday heshiis ceelal biyo looga dhisayo degaanadii laga xorreeyey Khawaarijta.

31- Jubaland oo gargaar gaarsiisay shacabka Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose oo waxyeeladu ka soo gaartay roobabka iyo fatahaadaha.

32- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in 96 Ruux ay dhinteen tan iyo mamrii fatahaadaha ay dalka ka dhufteen.

33- Dowladda Ruushka oo Soomaaliya u soo direysa Markab sida 25 kun oo tan shixnad gargaar oo sareen ah oo loogu talo galay dadka tabaalaysan.

34- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibrahim Sheekh Muxudiin oo kulan la qaatay U qeybsanaha Arrimaha Ciidanka ee Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya

35- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo soo saartay liiska 72 shirkadood oo ku guuleystay fulinta adeegyada Xajka

36- Wasiiru-Dawlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Baku ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku saxiixay sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka.

37- Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo ka mid ahaa odayaashii la shaqeyn Khawaarijta gobollada dhexe ayaa isku soo hiibay Ciidanka Xoogga Dalka

38- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kala wareegay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya deeq lacageed oo ku dhow 140 kun oo dollarka Mareykanka ah.

===DHAMMAAD====

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

15 ka tirsan khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeelaha dhexe

Jowhar-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka, NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Xawaadley oo…

GudahaWararka
January 10, 2023

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Sheikh Maxamed Bin Zaayid

Muqdisho(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Dhaxal…

GudahaWararka
February 2, 2022

Xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo si casri ah loo dhisayo

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ay weheliso Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dahabo Suusoow…

GudahaWararka
August 17, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: Ciidanka ayaa kusii siqaya Galhareeri iyo Ceel-buur

Dhuusamareeb-(SONNA)-Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labada degmo ee ka maqan Galmudug ay si kama dambays ah…

GudahaWararka
August 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023