Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Gaalkacyo oo ku ssoo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan
    March 4, 2026
    Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka oo Muqdisho ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya
    March 3, 2026
    Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha
    March 3, 2026
    Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.
    March 3, 2026
    War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay
    March 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: November 8, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):  1- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen.

2- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer uu ugu kuurgelayo habsami u socodka hawlaha qaranka ku tegay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, si uu ugu kuurgalo habsami u socodka howlaha ay qaranka u hayaan.

3- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño ee dalka oo ilaa iyo haatan ay ilaa 10 qof ku dhinteen.

4- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan looga hadlayo sida wax looga qabanayo daadadka ka jira dalka la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

5- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi oo ku saabsan qaab-dhismeedka amniga Qaranka, gaar ahaan ahaan qeybta Booliska.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga xukuumadda ee shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee COP-28, oo ka dhici doona dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

7- Wabiga Jubba ayaa ku fatahay qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan gobolka Gedo sida Doolow, Baardheere, Luuq iyo Buurdhuubo.

8- Roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Baydhabo ayaa sababay barakac ballaaran.

9- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqday in gargaarkii ugu horreeyay ay u dirayso gobolka Gedo oo roobabka iyo fatahaadaha ay saameyn xoog leh ku yeesheen.

10- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-Simaha Danjiraha Norway u fadhiya Soomaaliya Carsten Carlesen, kaas oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

11- Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka oo hawlgal amni ka fuliyay degaano ka tirsan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

12- Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21-aad oo gacan ka helaya dadka deegaanka iyo daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 km u jira deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug.

13- Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsuggida Qaranka ee NISA oo gacanta ku soo dhigtay 28 xubnood oo 25 ka mid ah ay doonayeen in ay ku biiraan Khawaarijta Al Shabab.

14- Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, ayaa ka daahfurtay magaalada Muqdisho aqoon isweydaarsi la xiriira hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee hoggaanka sare ee hay’adaha cadaaladda iyo garsoorka Soomaaliya.

15- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa dalka Rwanda kaga qeyb galay Shirka Madaxeedka Golaha Dalxiiska Adduunka WTTC

16- Wasiiru Dowlaha Amniga ee Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa furay kulan wadatashi oo ku saabsan xeer nidaamiyayaasha hey’adda socdaalka oo Muqdisho ka dhacay.

17- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku daah furtay Kulanka Dhamaystirka Hannaanka Dhab-u-Heshiinta Qaran.

18- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada War-wiin War-dhato Ceelahaley iyo Moorigaabey ee Gobolka Bakool.

19- Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 105 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Midowga Jamhuuriyadda Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay.

20- Guddiga tartanka adeegga xajka ayaa soo saarey Shuruudaha tartanka Adeega Xajka ee sannadka soo socda.

21- Ciidamada Qalabka Sida ayaa fashiliyey naftii halige isku soo xiray qarax kaas oo doonayay inuu isku qarxiyo goob makhaayad ah oo dad shacab ah ay ku sugnaayeen Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir.

22- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno kala duwan ku riday Sheegow Ahmed Cali iyo maleeshiyaad uu watey.

=====DHAMMAAD====

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Gaalkacyo oo ku ssoo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Muqdisho (SONNA): Degmada Gaalkacyo oo ka tirsan Gobolka Mudugayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka…

March 4, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo shir muhiim ah uga qeyb galay Adis Ababa

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa uga qayb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah…

GudahaWararka
February 15, 2023

Ciidamada ammaanka oo fashiliyey gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa

Muqdisho..(SONNA)..Hal qof ayaa ku geeriyooday labo kalana waa ay ku dhaawacmeen Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Gaariga qarxay…

GudahaWararka
January 1, 2022

Guddiga Arrimaha Dibada ee golaha shacabka BJFS oo kulan la yeeshay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay…

Gudaha
January 6, 2024

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay sidii Soomaaliya ay u hanan laheyd Amniga Guud ee Dalka.

Muqdisho(SONNA)-Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Gaashaandhigga JFS iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasiiru Dowlaha…

GudahaWararka
January 31, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023