Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 2, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- 1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga RecepTayip Erdogan ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul, waxayna ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dal.

2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya waxaana uu ka jeediyay jeediyay khudbad ku saabsan marxaladda soo kabashada Soomaaliya.

3. Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel.

4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey inuu noqdo u Qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya.

5. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanay ahayn argagixiso, balse ay yihiin urur xornimo u dirir ah, isagoo dhanka kale ku baaqey in la dhiso dal iyo dowlad ay leeyihiin reer Falastiin.

6. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray Shirweynaha Dhiirigelinta wax soo saarka dalka, waxaana uu sheegay in DFS ay ka goโ€™an tahay dhiirigelinta iyo soo nooleynta kaabayaasha laf-dhabarka u ahaa beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo tamarta.

7. Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo hal bilyan oo dollar kor u dhaafaysa.

8. Raโ€™isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in duulaankii ay kooxaha Khawaarijta ah ku qaadeen Waxbarashada 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay dowladdu ka bixisay jawaabo degdeg ah oo ay ka mid yihiin dagaalka cadowga looga sifeynayo dalka.

9. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho.

10. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay xuska sannad guurada 100-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

11. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, maamul hufan leh, isla markaana dhaqaale ahaan isku filan.

12. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Malaysia u qaabilsan Bariga Afrika. Ruzaimi Maxamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

13. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa mar kale guulo ka soo hoyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab.

14. Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqey qorshe dhaqaale oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhan 89 million oo Euro.

15. Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa mushaharkooda bishan ugu deeqay dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabaab ee ka socda qaybo ka mid ah goboladda dalka.

16. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Diinsoor bulshada ku dhaqan uga warbixiyay qorshaha qaranka ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

17. Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Mudane Axmed Moalim Fiqi ayaa ku baaqey in degdeg loo joojiyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaadey gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

18. Wasiiro ka tirsan DFS iyo masโ€™uuliyiin kale ayaa ka qeybgaley furitaanka laanta cusub ee Bankiga caalamiga ee Ziraat Katฤฑlฤฑm ee Somalia. Bankigan laga leeyahay Turkiga ayaa noqonaya kii ugu ugu horeeyay ee heerkaas ah oo dalka furo muddo ka badan 50 sanno.

19 Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka mid ah safiirada iyo wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha.

20. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha oo uu maalgelinayo Bankiga Adduunka.

21. Masโ€™uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ka qeyb galay dibad-bax ballaaran oo lagu xusayay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29-October 2022 magaalada Muqdisho ay ka geysatay Khawaarijta Al Shabab, kaas oo in ka badan 100 qof ay ku geeriyoodeen.

22. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqdey inay shaqaaleyn doonto 3,000 oo macallin oo hor leh si loo xoojiyo adeegyada waxbarashada ee dalka.

23. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jaamac ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qeybgaley munaasabad ay heshiis iskaashi iyo wadashaqeyn ku kala saxiixdeen Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

24. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Dr. Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Gargaarka Biniโ€™aadanimada George Conway.

25. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada ciyaaraha dowlad goboleedyada ee sannadka 2023-2024.

26. Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa horgeeyey Golaha Wasiirrada warbixinta sannad maaliyadeedka 2022 oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha waddanka.

27. U qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka Mudane Cali Jeyte ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar-garoobaan dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

28. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Sii-Hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon, iyagoo ka wadahadley kor u qaadista taageerada ciidanka.

29. Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa shir gudoomiyey kulanka dar-dargelinta amniga caasimadda.

30. Ciidanka kumaandooska Danab ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay Abshir Mowliid Axmed oo katirsan Khawaarijta kaas oo bam gacmeed ku weeraray fariisin ciidanku leeyihiin.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dib u dhiska Madxafka Qaranka oo meel gabo gabo ah maraya

Muqdisho (SONNA) Dib u dhiska Madxafka Qaranka ayaa maraya qeybihii ugu dambeeyay, iyado laga soo qabtay shaqooyin baaxad leh oo…

Wararka
December 7, 2019

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar

Doxa-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar,…

GudahaWararka
September 6, 2023

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Itoobiya kulan la qaatay โ€œSawirroโ€

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kulan labo geesood…

GudahaWararka
January 27, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar,…

GudahaWararka
February 11, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023