Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 18, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdish kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Mudane Aden Barre Duale oo ay ka wadahadleen iskaashiga labada dal.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyaad warbaahinta kala hadlayey ayaa ku baaqey in loo midoobo ciribtirka Khawaarijta Al Shabab, xilli la xusayo sannad guuradii 6aad ee ka soo wareegtay xasuuqi Khawaarijta Al Shabaab ay ka geysteen xaafadda Soobbe ee magaalada Muqdisho.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Sweden u fadhiyi doona Soomaaliya , Mudane Joachim Waern.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay aqoon is weydaarsi ay ka qeyb galeen Golaha Wasiirada oo lagu lafa gurayey hirgelinta nidaamka dowladnimada casriga iyo hufnaanta maamulka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee lagu soo tababarey dalka Eritrea, kulana dardaarmey inay gutaan waajibaadka ka saran dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shirka toddoobaadlaha ee Golaha Wasiirada, isla markaana ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo barnaamijyada kale ee siyaasadeed ee dalka horyaalla.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah furay olole dhiig loogu shubayo Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al-shabaab.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey Masjidka Madaxtooyada ayaa amaanay doorka shacabka ee dagaalka Al Shabab, sharaxaadna ka bixiyay sida looga wada qeyb qaadanayo barnaamijka dib u habeynta siyaasadda dalka.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jarey laba waddo oo dib loo dayactiray oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo si rasmi ah u furay Xarunta Tubsan ee la dagaalanka fikirka xagjirka.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay oo khudbad ka jeediyay shirka jiheynta dowladnimada casriga ayaa ku adkeeyay Golaha Wasiirada xaqiijinta ahdaafta saldhigga u ah dowladnimada ee ay kow ka tahay isla xisaabtanka iyo daah furnaanta.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan kula yeeshay Muqdisho Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Mudane Aden Barre Duale.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee dalka.

14- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku began 12-ka October u diray dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.

15- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay Madaxa Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah ee Bill & Melinda Gates oundation Ahna Madaxa Guddiga La Socodka cudurka dabeysha, Dr Chris Elias.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka ee matallaadda goleyaasha dowladda.

17- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay kulan farsamo oo ku saabsanaa amniga, caddaaladda iyo dowladd wanaagga, kaas oo ku salaysan barnaamijka qaran ee xasilinta.

18- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo guddoomiyey shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

19- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo bogaadiyay Ciidamada Qalabka Sida iyo ciidamada degaanka ee Khawaarijta ka saarey degaannada Ciid-Ciidka iyo Jimbiloow.

20- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo kormeeray talisyada ciidanka dowladda ee koonfurta Mudug.

21- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo ciidamada degaanka ayaa hawlgal amni xaqiijin ka sameeyay deegaannada Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere ee degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

22- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Mudane Yusuuf Xuseen Jimcale ka qeybgaley xus loo sameeyay shuhadadii ku naf waayey weerarkii 14 October.

23- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Bankiga Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika, oo ka dhacay dalka Morocco.

24- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama oo ka tacsiyadeeyay geerida wariye Cabdifataax Macallim Nuur oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho.

25- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macalin oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha Cadaaladda ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq.

26- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi ayaa dalka Turkiga kaga qeybgalay Shirka Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika.

27- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgali milateri oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay degmooyinka Waajid, Rab-dhuure, Luuq Ganaane, iyo Yurkud.

==DHAMMAAD===

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

58 sanno ka dib Soomaaliya maxay muhiim ugu tahay hirgalinta doorasho dadweyne?

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta hirgalinta doorasho dadweyne oo Soomaaliya ugu dambeysay 58 sanno ka hor, taasi oo uu…

GudahaMaqaallada
February 15, 2025

Saraakiil ka tirsan hey’adda Socdaalka jinsiyadda Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray dalka Tanzania

Moshi-(SONNA)-Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa magaalada Moshi ee dalka Tanzania ugu soo gabagaboobay tabarbar ku…

GudahaWararka
March 9, 2024

Shirka istiraatijiyadda Qaran ee Hay’adda SoDMA oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii heerka qaran oo loogaga tashanayay sidii loo yagleeli lahaa istiraatijiyadda qaran…

GudahaWararka
August 23, 2025

Ciidanka XDS oo dhaq-dhaqaaq ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Mudug+Sawirro

Gaalkacyo-(SONNA)-Qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Shacabka ku dhaqan Tuulada Shabeelloow ee Gobolka Mudug ayaa dhaq-dhaq Ciidan ka wada…

WararkaWargayska
September 6, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023