Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: August 23, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamaqa Qalabka Sida Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Khawarijta Al Shabab ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha ciidanka iyo odayaasha dhaqanka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamaareeb uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka Soomaaliyeed ay su’aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshaha dowladda ee kaddib xoreynta dalka.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah kula qaatay magaalada Dhuusamareeb Danjiraha Midowga Yurub Marwo Tinna Intelman oo ay u dhammatey muddo xileedkeeda diblomaasiyadeed ay ku joogtay dalka.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir looga hadlayey dardar gelinta amniga magaalada Muqdisho.

6- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Wasiirada Warfaafinta Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, soona dhoweeyay ansixinta Istaraatiijiyadda Warbaahinta Qaranka oo ay hay’adahaasi ku heshiiyeen.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa faray Golaha Wasiirada iyo dhammaan hay’adaha dowladda in ay ka qayb qaataan halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka wadatashiga Soomaaliya ee ku saabsan u diyaargarowga shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka (COP 28), kaas oo ay ka qeyb galeen 12 Wasaaradood oo qeyb ka ah qorshaha qaran ee xakameynta iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.

9- Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Muqdisho ka daah furay dib u eegista Qorshaha Horumarinta Qaranka.

10- Ra’iisal Wasaare Ku Xigeennka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka.

11- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo hay’adaha dowladda iyo shaqaalahooda faray inay af iyo addinba uga qeyb qaataan dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab.

12- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray howlgallada dib-u-xoreynta.

13- Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama ayaa daah furay Istaraatiijiyadda Warbaahinta Qaranka oo ay qeyb ka yihiin Dowlad Goboleedyada Dalka.

14- Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama ayaa ku dhawaaqey in 1-da bisha September si rasmi ah loo bilaabi doono tartan suugaaneedka barnaamijka Hirgeli Hibadaada Faneed oo ay dhalinyaro ku tartami doonto.

15- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa soo xiray tababar u socday 106 diblomaasi oo wax ka baranayey Machadka Diplomaasiyada iyo Hab Maamuuska Qaranka.

16- Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha ee Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista Masar, Dr. Ayman Caashuur.

17- Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha ee Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay madaxa Al Azhar Dr. Axmed Al-Tayeb.

18- Wasaaradda Gaashaandhigga oo sheegtay in 30-ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgal ka dhacay Galgaduud.

19- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur oo sheegay in wasaaradda iyo culimadu ay ka wada shaqaynayaan in la xoojiyo dagaalka dhinaca fikirka ah ee lagula jiro kooxda Khawaajita Al Shabab.

20- Ciidammada Xoogga Dalka oo degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ka saaray kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab.

21- Ciidamada Xoogga Dalka oo cagta mariyay dhulka hawdka ah ee u dhaxeeya Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe oo ay ku dhuumaalaysanayeen khawaarijta Al Shabab.

22- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in dalku uu galay dagaalkii ugu dambeeyay ee khawaarijta looga saari lahaa Soomaaliya.

23- Bulshada Degmada Cabudwaaq ee Galmudug oo ku biiray howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda gobollada dhexe.

24- Shacabka degaanka Bacaad Weyn ee Koonfuurta Mudug oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

25- Wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya Marwo Farowsa Cusmaan Cigaal ayaa Nairobi kula kulantey madaxda sare ee Hay’adda Duulimaadyada Caalamiga ah ee ICAO.

26- Taliyaha Ciidanka Xoogga General Ibraahim Sheekh Muxudiin oo kormeer ku tagay Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

27- Ciidanka Xoogga Dalka oo burburiyay fariisimo Khawaarijta ku lahayd dhulka hawdka ah ee hoostaga Run-Nirgood iyo Galcad.

28- Wasiir Ku-Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahim ayaa maanta daah-furay diiwaan-gelinta shaqaalaha KMG ah ee dowladda.

29- Xarunta Qaran ee Ka Hortagga iyo La Dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah oo xubnaha Khawaarijta ugu baaqday in ay isa soo dhiibaan.

30- Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ka dhacay Galgaduud ku khaarajiyay 5 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

31- Ciidanka xoogga Dalka oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka Buqda-Aqable ee gobolka Hiiraan ku dilay 18 ka tirsan Khawaarijta , khasaare ballaaranna u geystya argagixisada.

32- Dibadbax lagu taageerayo gulufka dagaal ee ka dhanka ah Khawaarijta oo Cadaado ka dhacay.

33- Dibadbax lagu taageerayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta oo ka dhacay Baxdo.

34- Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo ardayda ku biiraysa jaamacadaha ku waajibineysa inay soo qaataan hal sanno oo waxbarasho diyaar garow ah.

35- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa degaanka Cali Fuuto ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay in ka badan 20 dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo Isbitaalka Xoogga ku booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay deegaanka Ceel Cali Axmed

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan, xildhibaano ka tirsan labada gole, agaasime ku xigeenka madaxtooyada iyo…

GudahaWararka
February 23, 2025

Wasiirka shaqada oo daahfuray kulan looga hadlayay hirgalinta siyaasadda arrimaha bulshada

Muqdiho-(SONNA)-Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada XFS  Soomaaliya, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta daahfuray kulan weyne looga hadlayay hirgalinta…

GudahaWararka
October 6, 2021

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo qaabilay safiirka Jarmalka iyo wafdi uu hogaaminayo

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare…

GudahaWararka
July 2, 2025

Shirka xeer ilaalinta dalka oo ka furmaya Baydhabo+ Sawirro

Baydhabo-(SONNA)- Wafdigaan uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee dalka ,ayaa soo gaarey Magaalada Baydhabo Ee xarunta gobolka Baay, waxaa qayb…

Wararka
September 21, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023